WAJAALE NEWS

Man United iyo Bayern Munich oo ku Heshiiyey Bastian Schweinsteiger.

Hargeisa(wajaalenews)-Labada kooxood ee Bayern Munich iyo Manchester United oo ku heshiiyey tagitaanka laacibka u dhashay dalka Germany una ciyaara kooxda Bayern Munich eek a dhisan dalka Germany.

Gudoomiyaha kooxda Germany  Karl-Heinz Rummenigge ayaa xaqiijiyay warkan.Kadib Memphis Depay waxaa uu noqonayaa Bastian Schweinsteiger  xiddigii labaad oo ku soo biira Manchester United xili heshiiskiisa uu halsano ugu hadhsanaa.

Shirkiisa Jaraa’id ee ayuu Karl-Heinz Rummenigge ku xaqiijiyay iyaga iyo Man United inay ka heshiiyeen xiddiga kuna biirayo Man United.

Sidoo kale Man United ayaa xaqiijiyay goordhow in heshiis ay la gaadhay 30 jirkan u dhashay dalka Germany wuxuuna saxeexay Seddexsano oo heshiis ayuu qalinka ku duugayaa waxaana uu qaadanayaa isbuucii 180,000-kun.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

Exit mobile version