Hargeysa (Wajaalenews)- Madaxdhaqameedka deegaanka Allaybaday ee Gobolka Gabiley, ayaa beeniyey inuu jiro ugaas cusub oo beeshoodu dooratay, isla markaana aanay waxba ka jirin nin arrintaasi isu-cumaamaday dhawaan magaalada Hargeysa.
Salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beesha deegaanka Allaybaday (Cabdalla Abokor/Sacad Muuse) oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen ugaasnimada uu sheegtay nin ka tirsan beeshooda, iyagoo sheegay in arrintaasi iyaga ku kooban tahay.
Ugu horreyn, Caaqil Dayib Aw Cabdi oo ka hadlay shirkaa jaraa’id, ayaa sheegay inaanay waxba ka ogayn ugaasnimada uu sheegtay ninkaasi waxaanu yidhi “Annaga oo ah cuqaasha iyo salaadiinta beesha arrinta uu inanka la yidhaa Cabdirisaaq Koosaar Cali sheegtay waxba kama ogin, waxaanan leenahay waanu ka soo horjeednaa wax aannu ka ognahayna ma jirto.”
Sidoo kale Cheif Caaqil Maxamed Cabbaas, ayaa isna uga digay guud ahaanba madaxdhaqameedka iyo dawladda inay aqoonsadaan ninkaasi ugaasnimada sheegtay oo uu xusay inuu gebi ahaanba baalmaray hannaankii madaxdhaqameedka, “Waxaanu uga digaynaa dhammaan salaadiinta aannu tolka nahay, suldaanka guud ee Subeer Awal iyo kuwa aannu jaarka nahay iyo dawladda Somaliland inaan ninkaas la yidhaa Cabdirisaaq Koosaar Cali loo aqoonsan wixii uu sheegtay oo ugaas ah, milgihii madaxdhaqameedkana muu soo marin ee wuu baalmaray, maantana uma baahnin, laakiin haddii loo baahdo dariiqeedii iyo ninkii qaban karayey ayaa la odhanayaa yaa qabanaya, balse intuu inan yar cumaamad soo qaato inuu magacaas sheeegto aad ayaanu uga xunnahay.
Madaxdhaqameedkuna maanta dhib badan ayey ku hayaan Somaliland, waxaana la arkayaa nin intuu cumaamad soo qaato dawladnimada iyo reerahaba caayaya, waxaanan leenahay ninkaas ugaaska sheegtay, waanu beeninaynaa ummadda Somaliland iyo dadka aannu walaalaha nahayba waxaannu uga digaynaa ninkaas waxaanan leenahay shaqadiisa haku soo noqdo,” ayuu yidhi Chief Caaqil Maxamed Cabbaas.
Suldaan Axmed Cumar Madar, ayaa sheegay inay arrintan go’aan ka gaadheen oo ay u gudbiyeen dawladda, waxaannu yidhi, “Wax waliba nidaam ayuu leeyahay, dhaqankuna nidaam ayuu leeyahay reerna reer kale cid uma cumaamado, tanina waa mid aan ahayn dhaqankeennii iyo caadadeenii, arrintana dawladda go’aan ayaanu ka gaadhsiinay halkiisa ayaanu ka fulayaa, waxaana haya hoggaanka ciidanka Booliska, waxa kale oo haya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Badhasaabka Gobolka, mana aha arrin laga hadhayo, sidaas darteed waxaannu leeyahay tallaabadaas uu wiilkaasi qaaday ma noqon doonto mid reerka gudihiisa ka shaqaysa, annagu waxaannu leenahay guddoonka reerka go’aankana beesha ayaa leh wixii ay keentayna waanu qaadanay, waanan ansixinay, sidaas ayaanay waxba uga jirin, arrintanina waa farriin dhambaal ah oo aannu dirayno beeshayada.”
Ugu dambayn, Suldaan Axmed Nuur Samaale oo soo gunnaanaday shirkaasi jaraa’id, ayaa ugu baaqay xukuumadda in wax laga qabto sheegashada uu wiilka ka soo jeeda reerkoodu sheegtay, “Ugaasnimada, suldaanka iyo caaqilnimada baahi ayaa keenta kadibna beesha ayaa ka shirta waxaana laga dhigaa ciddii laysla afgarto, arrinkana maaha mid la arki jiray, waxaanan leenahay ugaaska uu sheegtay beeshu qaar hore ayey lahayd, waana sida ummadda oo dhaqan ayuu leeyahay, laakiin dhaqankaas lama soo marin cid ka war haysana way yarayd, ciddii ka war haysayna way ka war-bixisay oo waxay tidhi suuragal maaha ee innaga daaya, waanan la hadlaynaa inankaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo waxaannu leenahay waxaas aad sheegatay dariiqiisa maad marine ka noqo,” ayuu yidhi Suldaan Axmed Nuur, waxaannu intaa ku daray, “Dawladdana arrinkaas waanu sheegnay, waxaanan leenahay idinka ayaa dalka masuul ah ee marka wax laydiin sheego ee dadka looga qaateenka ahi idiin keenaan waa inaad wax ka qabataan, waxaanan leenahay arrinkani wali wuu dhawyahay ee wax ka qabta.”
Sidoo kale waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay Caaqil Maxamed Ibraahin (Sanyare), Caaqil Aw Cabdi Liibaan, Caaqil Yuusuf Cabdilaahi Shabeel, Oday Maxamed Ibraahin Afweyne, Oday Muxumed Cumar Yey, Oday Khadar Aw Jaamac, Oday Cabdirisaaq Xasan Shiil, Cabdi Aw Xasan Jaamac, Mooge Cali Yuusuf, Kaamil Muuse iyo Maxamed yuusuf Xuseen, kuwaas oo dhammaantood sheegay inaanay aqoonsanayn ninka ugaasnimada sheegtay ee beeshooda ka tirsan.