Hargeisa(wajaalenews)-Xidiga khadka dhexe Lazio Lucas Biglia ayaa sheegay in ciyaaryahanada Argentina ay taageeri doonaan Lionel Messi hadii uu go’aansado inuu ka nasto u ciyaarida xulkiisa.
Kabtanka Argentine ayaa lagu dhaleeceeyay inuusan dalkiisa waxba uqaban Karin kadib ciyaartiisii xumeyd ee Finalka Coppa America.
“waxaan u mahadcelineynaa Leo inuu doorto inuu u ciyaaro dalkiisa,hadii uu u baahan yahay inuu ka nasto ciyaaraha xulka waa uu ogyahay Messi iney taageerayaan ciyaaryahanada,sidaas waxaa uu u sheegay Biglia Estudio Futbol.
Messi ayaa afar Champions league la qaaday Barcelona iyo 7 horyaal laakiin dalkiisa wali uma qaadin bilad marka laga reebo da’yarka uu la qaaday 2008 koobka Olombikada Adduunka.
Hargeisa office
Wariye Abuu Maxfuud