WAJAALE NEWS

Neymar Oo La Sheegay Inuu Khibrad Iyo Xirfad Dheeraad Ah Ka Soo Faa’iideeyay Kooxda Barcelona.

naymarHargeysa (Wajaale News):- Tababaraha dhinaca Caafimaadka ee Xulka Brazil Paulo Paixao, ayaa tilmaamay inay kalsooni dheeraad ah ku qabaan Ciyaaryahanka Neymar, waxaanu sheegay in Laacibkani faa’iido badan uu ka soo helay kooxda Barcelona ee ka ciyaarta Horyaalka Spain ee uu ka tirsan yahay.
Paulo Paixao ayaa sidoo kale sheegay in Neymar uu is muujin doono Tartanka Koobka Aduunka ee lagu qaban doono dalkiisa, waxaanu yidhi “Neymer waxa uu sii wadaa inuu si joogto ah noo tuso kalsooni, horumarin qudha kumuu sameeyn jidhkiisa, balse khibrad ayuu ka soo faa’iiday kooxda Barcelona, waxa uu Neymar la mid yahay, Ciyaaryahanada ka ciyaara Horyaalada Yurub, waxaanu haysta Khibrad dhinaca walba ah, waxaanu kalsooni na siin doona Tartanka Koobka Aduunka”.

Tababaraha dhinaca Caafimaadka ee Xulka Brazil  Paulo Paixao oo hadalkiisa  sii wata waxa uu yidhi “Neymar waxa uu iska riday culuskii, haddana aad ayuu u fudud yahay, koox waxa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan, waxaana uga yeedhay Ciyaaryahanada Xulkayga si dalka ay ugu ciyaaraan”.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version