WAJAALE NEWS

GUDAHA KA AKHRI. Abwaan Ismaaciil Jiheeye Oo Gabaygii Ugu Adkaa Ku Dhaliilay Hab Dhaqanka Xukuumada Siilaanyo.

Gabeygan waxaa tiriyey Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye), waxaanu kaga hadlayaa Dhaqanka iyo dabeecadda uu leeyahay, Ninka Kali Taliska la yidhaahdo, Ama Danyarta iyo Shicibkiisa ku tacadiya, kaas oo ah nin aan Biri-ma-geydana lahayn, Biiri-qaatana ah.

Sidoo Kalana ah Masuul Aano taliye ah, oo had iyo jeer ku caan baxa, Taladiisuna tahay mid Cudud iyo Cago Jugleyn ku dhisan, oo aan ahayn Mid Miyir iyo Maskax ku dhisan. Waxaanay Maansadani soo if baxdey 04/07/2015.

Waxay Tidhi:

 

Nin iimaanku qarax yahay,

Dareenkuna Qallallan yay,

kana qaawan garashadda,

Gobonimadda qaaddacay,

Qab-qab dhaafay laasimey.

 

 

 

Inkastoo la qaayibo,

Qosol loogu sacab tumo,

Qaddar Beenta laga guro,

loo Qaadto heer Qaran,

lagu tiriyo Qaafadda,

kali Taliye qiimo leh,

Tanyo Quufle lama arag,

Oo Digteytar  Qaallibban,

Sooyaalku muu qorrin.

 

ku darsoo Qormadda guud,

Qafqafloow Nin Tacadiyey,

Goob laysku Qaac ridey,

Cadaw kama Sad qaaddoo,

Qoodhnimaddu sheegtaa,

Maatidda Qaskeeddiyo,

kama fogga Dhalaan qalad.

 

ku darsoo la sii qaad,

Maamuuska laga Qaad,

Iimaanka laga Qaad,

Meel Baasna loo Qaad,

waa Qaafil iyo Tuug,

Qalin kuugu xadayoo,

Jahli Qoorta loo sudhay.

 

Qaradkiisu Libin ma leh

Qorshihiisu Fullin ma leh,

Qastigiisu guul ma leh,

qiimihiisu sharaf ma leh,

qawlkii xaqiiq ma leh,

Waanna Qaari Caamo ah.

 

ku darsoo Qunbacashadda,

Dusha Qolofta mooyee,

Hoosta waa Qalfoof madhan

Tallo waa ku qayb diid,

Gar qaloocan kama tago,

Ma Qaraarrin karo Ruux.

Waa Nimaan qajilahayn,

 

Wuxu ficil ka qaataa,

Nin Qadooddi ka hadliyey,

Wuxu ficil ka qaataa,

Qaldhabaha Asaasaqay,

Wuxu ficil ka qaataa,

Sebbigiyo Qalqaalligga.

Wuxu ficil ka qaataa,

Bukaan Waadhka lagu qalay.

 

Mana laha Qaneecaad,

mana aha Qof kaamila,

mana qaato talo sugan,

mana qiro Asaaggii.

Nin Qar maaha lagu jabay,

Nin Raggana wax uma qabo,

 

Alle qabay Ayaan maleh,

inna loo Qushuucoo,

waa Qabiili Baaddilla,

waa Badraani Qaafila.

Waa Qarreen Ibliis direy.

Marku Qaradka leeyahay,

Qarafeyste kama dhaco,

Marku tiisa Qumistanna,

Waa Daallin Qaanaca,

Qiiradda Yaxaaskiyo,

Qaylo dhaantu waw dhaqan,

Libgad  iyo Qab iyo kibir,

Qof bartaaba kala kulan,

Qalbigiyo Damiirkiyo,

Qudh-qudhshaha Hankiisuna,

Waa Qollol Fakhrigu deggo.

 

In la Qaaddo mooyee,

Wax ma Qaaddi karo yoom.

Cidda Qiimo galisiyo,

Cid kastoo Qadarisaa,

Waxii ay ka Qaaddaa,

Waa qoomammiyo ciil,

waa Qiiro iyo yaab.

 

Wuxu Dabin u qoolaa,

Nin xabaal ka soo qodey,

Sun wuxuu u Qooshaa,

Nin Qulaamin jirey malab,

Wuxu quudhsadaa Walli,

Qiimo ku leh Carshiga sare,

Qorshihiisu kama fogga,

Inu Qaranka khaayimo,

inu Qaraf Arligga sudho,

inu Qulub u meel dayo,

inu Qaaddan waa dhaco,

inu Qoom Dhan Iibsado,

Inu Quud ku baayaco,

Inu Been Qardhaaso Leh,

Qaabku doonno ugu gallo.

 

ku darsoo Qunbacashadda,

Qondhac liiqa dhigatoo,

waa Qaruurad baaliya,

cidda faro u qaaddaa,

sida Qudhun bud lala dhacay

waxa ay ka qaaddaa,

waa ceeb ka Qaro weyn.

 

Waxse aan la Qarin karin.

Waa Nin Qoon-simaad badan,

Waa Nin Quudhi waa badan,

Waa Nin Qaabilaad daran,

Waa Nimaan Cid Qabatiyo,

Xeer kaa Qabtaa jirin.

 

Ku darsoo Qunbacashadda,

Wixii Sulla Qaloocsamey,

Ama Quufle ka hor dhacay,

Nin Qaniinsan weeyoo,

Qudhun Dura Qubuur galey,

Sida Dhidarka soo Qodda.

 

Waa Nin Qaaba qawsayn,

Halyey Qaran u Quudhoo,

Qumac loogu talo galey,

Cadaw laysku Qaac ridey,

Saboolkiisa ku qatala.

 

Sida sida Dad Qalatadda,

Iyo Bahalka Qawdhama,

Waa Nin Maxasta Qawraca.

 

Sida sida Qambaar Haad,

Raqda waa Nin Qaabila.

Kolna waa Nin Qarandidda,

Ka matala Qalwiga Jaan,

Qurux ma leh Digtaatoor.

 

Qoomka uu utaliyana,

Waa Qaar Dulmiga jecel,

Waa qaar Dadnimo daran,

Waa qaar is dalahsadda,

Waa Duul is quudhsadda,

Waa Duul Qabyaaladdi,

Qaynuunkoodda tahayoo,

Qaranimo ka Jaahila.

 

Exit mobile version