Karachi (Wajaalenews)Tirada dadka ku dhintay kulaylka xad-dhaafka ah ee wadanka Pakistan ayaa sare usii kacday kadib markii ay xaraaradu korodhay korontaduna ay go’day.
laamaha caafimaadka ayaa sheegay in ay tiradu marayso 450 qof oo caruur iyo dadwaawayn isugu jira.
meelaha ugu daran ee kulaylku saameeyay waxaa ka mid ah magaalada Xeebta ku taala ee Karachi iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Sindh.
korontada oo maqan ayaa xaaladda uga sii dartay sababtoo ah dad badan ayaa waawayay qaboojiyeyaal iyo ku tiirsanaantii awoodda korontada, arrintaasi oo lagu dhaleeceeyay xukuumadda wadankaasi.
goobaha caafimaadka ayaa buuxdhaafay, dadka bukaanka ah ayaa banaanka jiifa.
Cimilada kulayl kan mid la mid ah, ayaa wadanka India ku dilay in ka badan 1000 qof.
Arrintani ayaa lala xidhiidhin karaa cimilada adduunka ee sii kululaanaysa.