WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Safiir U kala Magacaabay Dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Iyo Shiinaha

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China

In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version