WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah; Col Caare Oo Saaka Ka Gudbay Xuduudka Wajaale Iyo Halka Uu Kusii Jeedo!

TOG WAJAALE(W,N)- Col Siciid Caare Hogaamiyihii Jabhada Dulmi Diid Ee Gobolka Sanaag Hore Uga falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Dhawaan Heshiis ay gaadheen xukuumada ayaa saaka lagu Dhex arkay magaalo ganacsiyeedka Wajaale Xili Uu Usii Gudbayay Dhinaca Dalka Itoobiya.

Wararka aan ka helayno socdaalka Col Caare dalka kaga baxay Ayaa sheegay in xubno kamid ah maamulka gobolka sanaag iyo laba gaadhi oo ciidanka RRU ay kasoo kaxeeyeen geerigaabo Xalay fiidkii iyagoo saaka soo gaadhsiiyay magaalada Wajaale.

Qorsha uu Col Caare oo madaxwayne biixi ka diiday ergadii dhex dehxaadinta in uu cafiyo  ayaa xogaha ay Wajaalenews helayso waxay tibaaxeen in madaxwaynaha iyo ergadii dhex dhexadinta Ay si hoose iskula garteen in col caare dalka laga saaro taasi oo saaka rubowday kadib markii maanta laga anbababixiyay magaalada tog wajaale.

Dhanka kale xogaha laga helayo Safarka Col caare  ayaa sheegaya in col caare xaalad caafimaad u tagayo dalka turkiga iyadoo dhaqaalaha ku baxaya ay siisay xukumadu.

Majirto war rasmi ay kasoo baxay dhinaca xukuumada col caareba

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

Exit mobile version