Bulshada Reer Gabiley Oo Lafilayo in Ay Mucaaridadii Ugu Adkayd Kala Horyimaadaan Xukuumada Siilaanyo Iyo ,Madaxdhaqameedka G,Gabiley& Hogaanka Xusbiga Wadani Oo Shir Xasasiya Yeeshay.kana hadlay sidii loo ansixin lahaa gobolnimada Gabiley
HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxdhaqameedka Gobolka gabiley oo kulan layeeshay Hoganka xusbiga wadani iyo shacabka reer gabiley oo qaday jidkii mucaadinimo.
Madaxdhaqameedka gobolka gabiley oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil suldaan cabdiraxmaan ayna weheliyaan cuqaasha waxgaradka iyo badi hogaanka dhaqanka ee gobolka gabiley ayaa maanta kulan qado sharafa layeeshay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani ahna gudoomiyaha Golaha wakiilada kulan oo aan warbaahinta loo ogalay ayaa wuxu ka dhacay huteel MAANSOOR
ILO xogo gaal oo u dhuun daloola kulan kan ayaa wajaale news U xaqiijiyay in kulanka qado sharaftu ahaa kulan hordhaca looguna gogol xaadhayo sidii bulashada reer gabiley ugu soo digi rogan lahaayeen xisbig WADANI
Madaxdhaqameed ayaa gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna G, xusbiga wadani kala hadlay Ansixinta Gobolnimada gabiley oo xukuumadu ku fashilantay
Waxa kale oo ay hogaanka dhaqanku xusbiga wadani u sheegeen in hadii ay ka shaqeeyeen gobolnimada gabiley xisbiga wadani haysto golihii hawshani u taalay
Reer gabiley ay ku qiimayndoonaan hada sida ay uga hawlgalaan arintaa
Dhanka kale gudoomiyaha golaha wakilada ayaa soo dhaweeyay sidii looga shaqayn lahaa ansixinta gobolnimada gabiley iyo Taageerada uu ka filayo reer gabiley uu ku tilmaamay in ay yihiin jidkii guusha.
Qaban qaabada shirka ayaa waxaa hormuud ka ahaa masuuliyiinta beesha suber awal kaga jira xusbiga mucaaridka ah ee Wadani oo ay hormuud ka yihiin xoghaya guud wadani Maxamed cabdilaahi Uurcade
xildhibaan bashiir tukaale, muj boobe yuusuf ducaale xildhibaan siciid cilimi rooble, GEN Maxamed xasan (Jidhif) Aadan Ruush iyo xubno kale oo miisaan ku leh gobolka gabiley.
Kulanka qado sharafta ah ayaa daarnaa sidii hogaanka dhaqanka ee gobolka gabiley iyo xusbiga wadani uga wada hadli lahaayeen mustaqbalka taageero xoogan oo ay u huraan xusbiga mucaaridka ah ee wadani
Xogaha aan helayno ayaa tibaaxay in isbarasho kadib si adag loo falan qeeyay doorka ay reer gabiley ku yelan lahaayeen wadani
dhanka kale xukuumada siilaanyo ayaa iyadu gabi ahaanba lumisay Taageerada shacabka gabiley iyo siyaasiyiintoodaba mudadii ay xilka haysanya kula kacday bahdila siyaasadeed curyaamin gobolka oo xaga horumarinta ah
Xiligan ayaa guud ahaan gobolka gabiley aanay xukuumada kaga jirin cid miisan leh bulshada wax taageero ah xukuumada uga keeni karta
Arintan xukuumadu kula dhaqanto reer gabiley ayaa mujinaysa in ay quus ka joogta taageero danbe oo ay reer gabiley ka hesho.