WAJAALE NEWS

War-Deg-Dega-Daawo: Dhalinyaro Reer Hargaysa Ah Oo Mid Kamid Ahi Badu Liqday Iyo Sadex Kale Oo Laga Soo Badbaadiyay

Berbera,(W,N)-Wiil dhalinyaro ah Oo Da,diisu 20 Jir Ahayd ayaa Maanta  Bada Berbera Liqday Kuna Dhintay.

Wiilkan Ayaa waxay wada Socdeen Sadex Kale Oo Dahlinyaro Ah Waxaanay ka Yimaadeen Magaalada Hargaysa.

Badhasaabka Gobolka Saaxil   Jaamac Yuusuf Axmed Ayaa Warbaahinta U Cadeeyay Gurmad Deg Dega Oo Aay Galeen In Aay Kusoo Badbaadiyeen Sadexdii Wiil Ee Lasocday Wiilka Dhintay.

Dhacdadan Masiibada  Ah  Ayaa Waxaa Sababay Kadib Markii Aay Iska Fuuleen  Afartan Wiil  Laash Bilaa Mishiin ah Oo Xeebta Iska Yaalay, Kadibna Laashkii Dabayshu Ay Kaxaysay oo ay Badwayna Gaysay, Intaasi Kadibna Wiilka Dhintay ayaa Naxay Oo Ka Booday Laashkii.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Ayaa Intaa Wuxuu Ku Daray In Gurmad Deg Dega Oo Aay Sameeyeen Ciidamada Bada iyo Dhalinyarad Loo tabo Baray Samo,ta Bixinta Dadka Badu Liqdo Ayaa Ay Ku Guulaysteen In Badwaynta Ay Kasoo Badbaadiyaan Sadexa Wiil Ee Laashku Badwaynta La Tagtay.

Dhanka kale Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa Ugu Baaqay Dhalinyarada Imanaysa Bada Maalinta Ciida Ah  In Ay ka Taxadiraan Khatarta Badu Leeedahay,

Sidoo Kale Wuxuu Waalidiinta Ugu Baaqay In Aanay  soo dirin caruur Aan waalidkood La Socon.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO FAAH-FAAHSAN

 

 

Exit mobile version