Hargeysa(Wajaalenews):- Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland oo uu hor-kacayo wasiirkoodu Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa kormeer ku tegay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay hawl shaqo oo lagu dhigayo doogga mac-malka ahi ay ka socoto.
Kormeerkan oo ay wasiirka ku weheliyeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha guud Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) iyo guud ahaanba Agaasime waaxeedyada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay war-bixin guudna ka siiyey masuuliyiinta hawsha shaqo ee ka socota garoonka Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, waxaana uu xusay in goglida doogga mac-malka ah ee la dhigayo garoonka ay intii ugu badnayd dhigeen kuna rajo weyn yihiin in haddii Alle Idmo Salaada Ciida lagu tukan doono.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Xuseen oo ah Ingineerka shirkadda dhisaysa ee Haboon Construction Company, waxaana uu ka war-bixiyey halka ay hawsha shaqo u marayso iyo xilliga ay rajaynayaan inay dhamaystiraan. Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa xusay inay guul weyn ay tahay in garoonka Hargeisa Stadium hadda laga bilaabo uu la mid noqon doono garoomada dunida laga ciyaaro, dedaalkeedana ay leedahay xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaa maanta noo farxad ah inaynu dhex joogno Hargeisa Stadium oo hab casri ah loo dhisayo oo la muuqaal noqon doona garoomada caalamka. Waxay talaabadani ay guul weyn u tahay guud ahaanba Somaliland gaar ahaan dhallinyarteena, garoonkani waa midka ugu weyn ee qarankani ku dhaato waxaana dedaalkeeda iyo hir-gelinta in ceynkan loo dhiso uga mahad-celinaynaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo oo runtii dedaal dheeriya hadh iyo habeenba ugu jirta horumarinta iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha iyo dhallinyarada” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.
Agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa tilmaamay in dadka qaar ay la ahayd hadal markii ay maqleen in garoonka Hargeisa Stadium doogga casriga ah ee la dhigo garoomada la dhigayo “Dadka qaar ee ku caaroodda wanaaga iyo waxqabadka waxay u haysteen hadal iyo waxaan suurtoobayn laakiin maanta waxaanu leenahay qudhaanjooy ku quuso”. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa isaguna hoosta ka xariiqay in xukuumadu ay dedaal ugu jirto inay wixii taagteeda ah ay garab istaagto dhallinyarta si meesha looga saaro caqabadaha hor-taagan, sidoo kalena laga hor-istaago tahriibta iyo balwadaha lana mashquuliyo. Wuxuuna geesta kale uu tilmaamay in dhaqaale wax ku ool ah uu qaranka uga soo bixi doono garoonka Hargeisa Stadium.