WAJAALE NEWS

“Aragatidayda, Waxa Aan Qabaa In Caddaaladdu Ay Tahay, Shayga Maanta Aynnu Baahida Ugu Weyn U qabno, Geedi-socodkeenna Dawladnimana Lamahuraanka U Ah”Gudoomiye Xirsi.

LONDON(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa shaaciyay in dhawaan soo bandhigi doono buug cusub oo uu ka qoray  baahida loo qabo in la helo cadaalad iyo hanaanka dawladnimo, wuxuna udhignaa sidan;

“Dawladnimo marka laga warramayo, waxa aanay laba isku diiddanayn in ay CADDAALADDU sees iyo saldhig u tahay, jiritaanka bulsho iyo horumarkuna aanu ka maarmayn oo la’aanteed aanu suurtagelayn, guud ahaanna waa mid uu aadamuhu isla qirsan yahay oo waaqiceenna maanta iyo sooyaalkuba ay marag cad ka yihiin.

Aragatidayda, waxa aan qabaa in caddaaladdu ay tahay shayga maanta aynnu baahida ugu weyn u qabno, geedi-socodkeenna dawladnimana lamahuraanka u ah. Sidaa awgeed, waxa aan haatan muddo gacanta ku hayay oo aan rejaynayaa inuu bilaha soo socda ifka u soo baxo, buuggan la magacbaxay MIISAANKA CADDAALADDA, oo isagu ibafur u noqon doona taxane buug ah oo cusub oo aan diiradda ku saari doono hannaanka dawladnimo iyo arrimaha la xidhiidha.

Waxa aan Eebbe weydiisanayaa in uu igu garab galo dhammaystirkiisa, kana yeelo mid manfac yeesha oo loo aayo!

26/Aktoobar/2023

Exit mobile version