WAJAALE NEWS

DAAWO; Masuuliyiinta Waxbarashada Somaliland Oo Sheegay In Imtixaanka Shahaadiga Ahi Si Bilaa Rabshad Ah u Bilawday

Hargeysa(Wajaalenews) Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa sheegay in guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland si nabad ah uu uga bilaamay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo fasalka sideedaad ee hoose dhexe.

https://youtu.be/RniN66j6GLM

Sanadkan waxaa Imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisanaya saddex iyo labaatan kun iyo saddex boqol(23,300), kuwaas oo afar iyo toban kun u fadhiisanayso fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe, halka fasalada afraad ee dugsiga sare yihiin sagaal kun iyo saddex boqol oo arday.

Wasiirka waxbarashada Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Gadhweyne iyo masuuliyiin kale oo kormeer ay ku sameeyeen Dugsiyada Hargeysa kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan si habsami ah uu dalka uga bilawday Imtixaanku.

“Saaka Imtixaanku 8-dii subaxnimo ayuu dalka  oo dhan min bari ilaa galbeed ka bilaamay, si fiican buu uga bilawday, dugsiyada hoose maanta hal maado ayay galayeen kuwa sarena laba maado, xiisaddii hore way dhamaato oo tii labaad baa la galay, haba yaraatee wax mushkilad ah oo meela laga soo sheegay ma jirto” ayuu yidhi gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadku.

Wasiir Geedoole ayaa isna shaaciyay bilawga imtixaanka “Waxaa saaka dalka ka bilawday Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 8-aad iyo 4-aad ee dugsiga sare, Illaahay ayaa mahadleh noo suuro galiyay inuu si nabad ah ku bilawdo. Wararka aan ka helnay meel kasta oo uu iskuul ku yaalo oo imtixaan lagu galayo wuxuu ku bilawday nabad galyo, mahaddaana Illaahay baa iska leh”

 

Exit mobile version