WAJAALE NEWS

Gudaha Ka Akhri ;Maanso Cusub Ee ‘Maxaa Daahay Abaalo’ Iyo Abwaan Sacad X, Maxamuud Gadhle.

Maansadan Waxaa Tiriyay Abwaan Sacad  X, Maxamuud Gadhle oo Kamida Abwaanada Dhalinyarada ah Mudana ka mid ahaa bahda sugaanta. maansadan kooban oo abwaanku ugu ,magac daray(Maxaa Daahay Abaalo) Abwaanku wuxuu si gaara ugu baraarujinayaa raga Masuuliyiinta ah oo ay Hadaf mida kuwada socdeen mudo dheer maantana guulaystay dadkii ay isku fikirka ahaayeena aan dib u soo eegin isagoo garabkii uu ka filayay ka waayay

 

Waxaanu ku bilaabay sidan;

Deelaydiyo maanso

Abwaanka dareershay

Halkuu dulucdeeda

Ku daaray ilayska

Warbaa dihin maanta

Wargaysyadu dooxin

Bulshooy deg madaada

Dirkaygiyo  beesha

Maxaa Daahay Abaalo

Diwaanka qoraalka

Ku daabacan maanta

Maxaa warar duuban

Dadwaynaha gaadhin

Doraatiyo maalmo

Maxaan daris mooday

Nimaan Aan Danahayga

Dareen Badan Siinin

Maxaan Darajeeyay

Maxaan dalacsiiyay

Maxaan ku danbaaboo

Ducaysane mooday

Dantayda u seegay

Hankiisa la doonay

Habeeno u daalay

Duqii hore hiifay

Daleeda ka maagay

Maxaan ka difaacay

Dadkoo  ku hafraaya

Dacaayado miidhan

Ka dayray ayaamo

Dushiisa ilaashay

Muxuu dawankaygu

Dartii u dhawaaqay

Maxaan warar duulay

Dabaylaha  raacshay

Maxaan kula dooday

Ragii lala doortay

Darjiidhay ayaamo

Maxaan dawo raadshay

Digtooro su,aalay

Maxaan u faq daayay

Dahaadhay warkooda

Dabool adag saaray

Damiirka adkeeyay

Ragoo badi diidan

Maxaan kala daadshay

Durmaanka u qaatay

Dabkooda bakhtiiyay

Maxaan damaciisa

Darkuu ka cabaayo

Dardaaran ka gaystay

Maxaan dakhar gaystay

Halyeeyo dikheeyay

Hankooda ka diiday

Maxaan u dacwooday

Markaan u dulqaatay

Dantaydiyo maanta

Hadii danigiisu

Dabaalay hankayga

Inaan dubahayga

Dushiisa ku jiido

Dantaa i faraysa

DHAMMAAD MAANSADII MAXAA DAAHAY ABAALO

 

Exit mobile version