WAJAALE NEWS

Dad ku Dhintey Rabshadaha Dalka Ukraine

WAJAALENEWS ;Kummanaan ka tirsan dadka dhigaya banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda ayaa weli ku sugan fagaaraha weyn ee caasimadda Ukraine, maalin kadib markii iska hor-imaadyo ba’an uu dhexmarey dadkaasi iyo booliska rabshadaha ka hortaga, 25 qofna ay dhinteen.

Rabshadahan ayaa lagu tilmaamaya inay ahaayeen kuwii ugu xumaa ee dalka ka dhaca tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyada siyaasadeed muddo haatan laga joogo 3 bilood..

Madaxweynaha Ukraine Viktor Yanukovych ayaa ku eedeeyey mucaaradka rabshadaha dhacay, kuwaas oo bilowdey markii ciidamada booliska ay weerareen xarunta ugu weyn ee ay isku uruursadeen mucaaradka maalintii Talaadada.

Mr. Yanukovych waxaa uu sheegey in horjoogeyaasha mucaaradka ee ku booriyey dadka inay hub u keenaan dadka dhigaya banaanbaxyada dowladda looga soo horjeedo ay jebiyeen mabaadii’da dimoqraadiyadda, isla markaana ay khasab tahay in shaciga la horkeeno.

Booliska iyo wakiillada mucaaradka ayaa sheegey in dadka la diley badankooda ay u dhinteen rasaas ku dhacdey.  Qaar ka mid ah dadka dhaawacmey ayaa xaaladdooda ay aad u xun tahay. Sagaal ka mid ah dadka dhintey ayaa ka tirsanaa ciidamada booliska.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku baaqey in la qabto kulan deg-deg ah oo ku saabsan xasaradda Ukraine, kaas oo waddamada ku jira ururka ay kaga hadli doonaan in cunaqabateyn lagu soo rogo iyo in kale kuwii ka dambeeyey rabshadahan..

Madaxa Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Catherine Ashton ayaa sheegtey inay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda ka jirta Ukraine, isla markaana EU ay diyaar u tahay inay ka caawiso dalkaasi sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa hannaanka baarlamaaniga.

Waxay sheegtey in Midowga Yurub uu ka fikirayo dhamaan talaaboyinka suuragalka ah ee looga jawaabayo xasaraddan, oo ay ku jiraan in talaabooyin adag laga qaado kuwa mas’uulka ka ah.

Hoggaamiyaha mucaaradka Ukraine, Vitali Klitschko ayaa kulan la yeeshey Madaxweyne Yanukovych, laakiin kulanka ayaa lagu kala tegey iyadoon wax heshiis ah la gaarin.

Exit mobile version