WAJAALE NEWS

Waa kuma siyaasiga soomaaliyeed?

Siyaasi xumadu waa mid ka mida masiibooyinka iyo dhibaatooyinka ku habsada shacab iyo bulsho guulle ku abuuray bogcad ka mida dhulkiisa. Haddaba dhibaatooyinka tirada  badan ee ragaadiyay umadda Soomaaliyeed tan iyo intii ay jirtay, waxaa mas’uuliyaddeeda inta badan la saaraa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee siyaasadda ku jiray, xilligii dawladdihii lagu midaysnaa ama waqtigan hadda la joogo ha noqotee.

Sidaas darteed waxaan jecelahay qormadan inaan ku lafo gurno siyaasiga Soomaaliyeed, astaamihiisa. Sidoo kale inaan wax yar ka iftiiminno, waxa siyaasi yahay iyo summadaha wanaagsan ee siyaagisa fiicani leeyahay ama lagu yaqaan.

Waa kuma siyaasi?.                          

Siyaasigu waa shakhsi si firircoon ugu tacaluqa ama leh xirfadii siyaasadeed, gaar ahaan waxaa siyaasi loo yaqaan ama lagu asteeyaa qofka haya xafiis hogaamineed oo siyaasi ah.

Siyaasigu waa shakhsiyad ku qancisa waxa ay doonayso dadka kale iskuna daya inuu si xirfad iyo xikmad leh oo bilaa turxaana uga guulaysta cidda la tartamaysa.

Siyaasigu waa shakhsi khibrad iyo xirfadba u leh cilmiga siyaasadda, maamulka iyo hanaanka dawladnimo yaqaanana waxa uu qaran yahay.

Siyaasigu waa qof xiiseeya arimaha siyaasadda yoolkiisuna yahay sidii uu kasban lahaa bulshadiisa taas oo ay u xaqiijinayso xafiiska siyaasadeed ee uu marba hayo.

 

 

 

Astaamaha siyaasiga wanaagsan

Siyaasiga wanaagsani waa shakhsiyad ku sifaysan caalaamadahan dahabiga ah:

Tayo wanaag: tayada wanagasan ee siyaasigu waa mid ay foolaad ka tahay dabeecadiisa dabiiciga ah ee guulle ku galladaysto, halka uu qaarkalena ka kasbado saamaynaha togan ee kaga yimadda deegaanka ku xeeran. Tayada fiican ee siyaasiga waxaa badanaa taageera ama xoojiya xirfadaha, khibradaha iyo indheer garadnimo kuwaas oo dhamaantood gaadhsiiya guulo uu mahadiyo. Tayada ugu waangsan ee siyaasi leeyahay waa daacaadnimo iyo alla ka cabsi.

Hawlkarnimo: hawlkarnimada iyo runsheegga siyaasiga waanagsani waa mid dhaxalsiisa ama u horseedda aaminaadda iyo isku hallaynta bulshadiisa. Siyaasiga waanagsani waa shakhsi go’aan qaadasho leh dushana u rita masuuliyadda ficiladiisa iyo tiraabihiisaba. Wuxuu ilaaliyaa ballamaha uu qaado, waxaa marwalba uu u halgamaa oo maankiisa iyo maskaxdiisaba ka buuxa sidii uu bulshadiisa u caawin lahaa horumarna u gaadhsiin lahaa, taas oo ah calaamadda dhabta ah ee caddaynasa siyaasiga hawlkarka ah. Halka siyaasiga waraaba utaagga ahi( fake politician) u sameeyo ballamo been abuur ah oo aanu waxba ka fulin, kursigana uu uga faa’idaysto danihiisa gaarka ah, halkii uu bulshadiisa ugu adeegi lahaa. Siyaasiga wanaagsani wuxuu u hoggaansamaa shuruucda wadankiisa waana astaan u taagan dhaqan gelinta sharciga iyo ilaalilntiisaba, waa shakhsiyad ka fog musmaasuqa, wax isdaba marinta iyo ku takri falidda awooddaba. Siyaasiga wanaagsani wuxuu utaagan yahay dhisidda iyo soo bandhigidda sifooyinka wanaagsan ee bulshadiisa.

Daacadnimo: Waxa kale oo lagu yaqaan siyaasiga wanagsan oo kamid ah sifooyinkiisa inuu yahay daacad iyo inuu leeyahay farsamooyinkii uu ku xalin lahaa dhamaan carqaladaha soo wajaha sida dhaqaalaha, siyaasadaha, qorshayaasha, mashaariicda isagoo la yimaadda hindisayaal uu ku kusoo afjaro dhibaatooyinkaas. Siyaasiga wanaagsani wuxuu door muhiima kaqaataa hanaanka maamul, wuxuu bulshadiisa iyo wadankiisaba uga wakiil yahay kumanaan sharci iyo siyaasado, kuwaas oo marwalba uu u taaganyahay xaqdhawridooda iyo hirgelin toodaba.

Aqoon: Siyaasiga wanaagsani waa shakhsiyad ku hubaysan aqoontii iyo kartidii looga baahnaa qof doonaya ama u ordaya inuu gadhwadeen u noqdo bulshadiisa, waana qof si dhaw uga warhaya siyaasadaha wadamada ku xeeran iyo aduunwaynahaba.

Anshax wanaag: Siyaasiga wanaagsani waa shakhsiyad alla siiyey akhlaaq wanaag iyo anshax suubban, marwalbana u taagan u adeegidda bulshadiisa isagoo tiisa gaara ka horaysiiya tan ummadiisa.

Afhayeen:Siyaasiga wanaagsani waa ka cod dheer ku sheega waxbadan oo bulshadiisu tebayso waana afhayeenka rasmiga ah ee ummaadiisa.
xilkasnimo: xilkasnimadu waa astaan kale oo baadi sooc u ah siyaasiga wanaagsan. Siyaasiga wanaaagsani waa mid marwalba u dhaw bulshadiisa lana kulma si uu xogogaal dhaw ugu noqdo dhibaatada bulshadiisa haysata, halka siyaasiga waraaba utaagga ah( fake politicians) ay bulshadu aragto oo keliya marka uu cod ka doonayo. Siyaasiga wanaagsani wuxuu jecelyahay inuu marwalba ka shaqeeyo is dhexgalka, iskaashiga iyo wada jirka muwaadiniintiisa, sida uu waalidka xil uga saaranyahay barista ilmihiisa mabaadi’da, dhaqanka wanaagsan, runsheegidda iyo ku kalsoonaanta naftooda. Siyaasiga wanaagsan waa shakhsiyad hogaamintiisa la majeerto oo bulshadiisa u noqda tusaale ay ku hirtaan.

Astaamaha siyaasiga soomaaliyeed

Waxaynu akhristayaal si kooban usoo milicsanay waxa uu siyaasi yahay iyo astaamaha wanaagsan ee lagu yaaqaan siyaasiga fiican, waxaan filayaa inaad is waydiiseen markaad dhexmushaaxayseen sumadahaa dahabiga ahaa ee siyaasiga wax garadka ahi leeyahay, inay maskaxdiinu iswaydiinaysay su’aalahan. Waa maxay astaamaha siyaasiga soomaaliyeed? Mayahay mid kusifaysan astaamaha siyaaasiga wanaagsan ee aynu kor ku xusnay? mise wuu ka geddisanyahay?

Siyaasiga soomaaliyeed marka aynu eegno astaamihiisa, waxaan odhan karnaa waxa uu ku astaysanyahay caksiga sifooyinkii aynu hore u soo huwinay siyaasaiga fiican. Marka aad bulshada soomaaliyeed la sheekaystid qaybaheeda kala duwan ee aad waxa ka waydiisid waxaa uu yahay siyaasiga soomaaliyeed, jawaabtoodu kama baxdo weedhahan kooban oo baadi sooc u noqoday siyaasiga soomaaliyeed:

  1. Beenaale
  2. Munaafaq
  3. Mabda’laawe
  4. Tuug ma xishoode ah
  5. Danayste

Waxaa halkaa inooga muuqata in siyaasiga soomaaliyeed uu sumad gaar ah u yeeshay sifo intii ugu xumayd ee siyaasi yeesho, walaw ay jiraan siyaasiyiin soomaaliyeed oo fara kutiris ah oo laga helayo astaamihii suubbanaa ee siyaasiga wanaagsani lahaa, haddana waxaa ka xoogbatay oo qariyey siyaasigaas ceebaysan ee bulshada soomaaliyeed boogta madaw ku ah, meel kasto oo ay joogaanna hormuudka u ah.

Siyaasiga soomaaliyeed waa shakhsiyad ku sifaysan hagardaamanynta bulshadiisa, wuxuu ka shaqeeya kala qoqobka bulshada soomaaliyeed si uu ugaadho dantiisa gaarka ah. Siyaasiga soomaaliyeed waxa uu ku takrifalaa awoodda siyaasadeed ee uu leeyahay xafiiska hoggaamineed ee marba uu masuulka ka yahay. Siyaasiga somaaliyeed hubka ugu muhiimsan ee uu adeegsadaa waa khiyaamo, qaraabakiil, eex iyo qabyaalad aan xishood iyo waxa uu xeerinayaa aanu jirin.

Haddaba akhristayaal waxaa iswaydiin mudan xagee ka yami siyaasigan kusifayn sifooyin ka noocan ah ee gurracan? Miyuu iska yimi? Mise meel uu ka shiidaal qaato ayaa jirta? Mise waa masiibo ilaahay dusha kaga keenay bulshada soomaaliyeed?. Su’aalahan jawaabtooda waxaan ku lafa guri doonnaa qormooyinkeenna danbe haddii allaha awoodda lihi ogolaado.

Sidaas iyo lasocosho wanaagsan.

Qalinkii: Cabdillaahi Maxamed Bile

Email: ambile292@gmail.com

Tell: 0634437634/0659841888

Hargeisa, Somaliland

7,march, 2015

Exit mobile version