Gabiley(W.N):xafladii maalinta haweenka aduunka ee 8 march oo caawa ku beegnayd islamarkaana lagu qabtay hoolka shirarka dawlada hoose ee gabiley ayaan ahayn sidii hore looga bartay islamarkaan haweenkii ka qaybgalay ka soo hoydeen iyaga oo haraadan oo xataa aan biyo la siin halka gobolada kale xataa fanaaniin looga kireeyay u heesa haweenka.
lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay arintan balse sida ay noo sheegeen haween ka qaybgalay xafladaasi oo ka cudurdaartay in magacooda la shaaciyo ayaa waxay sheegeen in marwada koowaad ee somaliland marwo aamina weris oo iyadu hogaaamisa haweenla somaliland doorkan ayna ugu talo galin wax kharash ah gobolka gabiley waxaana haweenkaa ka mid ahaa hadaladoodii
” xafladii 8 march ayaanu ka qaybgalnay wax madax iyo masuuliyiina kama ay soo qayb galin waxaa ka muuqatay xafladan in meeshu bilaa kharash ahayd xataa anagoo haraadan ayaanu ka soo hoyanay 12 habeenimo markaanu waydiinay haweenkii abaabulayayna waxay noo sheegeen in iyagu ay iskood isku abaabuleen balse ururka haweenka somaliland iyo marwada qaranka somaliland marwo aamina weris ayna wax kharash ah ugu talo galin
si kastaba ha ahaatee marwo aamina weris oo wakhtiyadii hore kharash fara badan u qoondayn jirtay xaflada maalinta 8 march ee gobolka gabiley ayaan la garanayn waxa ku kalifay arinta noocan ah waxaana la is weydiinayaa talow marwada ma waxaa saamayn ku yeeshay wasiiradii miisaanka lahaa ee ka soo jeeday gobolka gabiley ee is casilay