WAJAALE NEWS

Maamul Goboleedka Puntland Oo Beenisey Inay Raalli Gelin Siisey Madaxweynaha Somaliland.

GAROWE(Wajaalenews) Puntland ayaa beenisey war uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa in Madaxweynaha Puntland si shaqsi ah uga raalli geliyey gef qaar kamid ah wasiirrada Puntland ka galeen Somaliland, waa sida Siilaanyo hadalka u dhigaye.

Khudbad Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey labada gole ee guurtida iyo wakiillada ayuu warkaas ka sheegay, waxaana hadalladiisii kamid ahaa “In dhawayd waxa ka imanayey Maamul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka”

Wasiirka war-faafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho-Guran oo galabta magaalada Garowe shir-jaraa’id ku qabtey ayaa sheegay inaysan jirin wax raali gelin ah oo Madaxweyne Gaas u direy dhiggiisa Somaliland.

“ma jirto wax raali gelin ah oo Madaxweynaha Puntland direy waa been abuur…Puntland waxay xadgudub u aragtaa in laga sheego hadal aysan oran” ayuu yiri.

Puntland ayaa dhowr mar oo hore ku eedeysey Somaliland inay taageero siiso xoogaagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis iyo weliba in xubnaha Al-shabaab ee ka yimaada koonfurtu soo dhex maraan deegaanno ka tirsan Somaliland kahor intaysan soo gaarin buuraleyda magaalada Boosaaso koonfur galbeed kaga beegan.

Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtey eedeymaha Puntland iyadoo ku tilmaantey kuwo aan loo meel dayin oo gef ah islamarkaana wax u dhimi kara xidhiidhka labada dhinac ee markiisii horeba aan wanaagsaneyn.

Exit mobile version