HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee wadani Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa sheegay baadhintaan lagu sameeyay kadib in laga helay coronavirus
Gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa qoraal uu xaaladiisa cafimaadka in xanuunka covid19 ee laga helay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada Wuxuna udhignaa Sidan;
“ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay.” Guddoomiye Cirro