WAJAALE NEWS

Diblamaasiyiin Reer Galbeeda Oo Xog Waraysi Hoose La Yeeshay Siyaasiyiin Xukuumada Laga Caydhiyay Iyo kuwo Iska Casilay Xilka,

HARGAYSA(Wajaalenews) Sida ay iftiimiyeen warar xogogaala ah oo ku waajahan baadhitaano iyo dabagal ay dhawan ku bilaabeen madaxwayne siilaanyo dawladaha reer galbeedku in uu talada dalka gacanta ku hayo oo isagu maamul ahaan taladiisa ku hogamiyo iyo in lagu weheliyo,

diblamaasiyiinta reer galbeedka ah oo la xaqiijiyay in ay kulamo la qaateen siyaasiyin xilka laga qaaday dhinaca xukuumada iyo qar iska casilayba, waaxanay arintani daaha ka rogeen kadib markii dhawaan dalka soo gaadheen safiirada dawladaha maraykanka iyo ingiriiska oo xogo doora ka urursaday nidaamka maamulka xukuumadan oo ay dareeno badan ka qaateen hadalhaynta xaqiiqda dhabta ah ee ku lamaan hogaaminta madaxwayne siilaanyo.

Wararka ayaa aan ka helayno ilo xogogaala oo ku dhaw dhaw waftiga reer galbeedka oo u hor kacayay Wakiilka maraykanka u fadhiya Kenya una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Brain H. Phipps uu shirar xasaasiya oo aan warbahinta loo ogayn la qatay masuuliyiin xukuumada xilal culus ka hayay islamrkaana iska casilay xilkii soboba aan sidhaba loo shaacin iyo qaar xilka laga qaaday

kulankan oo mudo qaatay ayaan la ogayn wax kasoo baxay

Si kastaba ha ahaatee waxaa isha lagu hayaa in dawladaha reer galbeedku somaliland go,aan adag ka qaadan doonaan islamrkaana usoo gudbin doonaa qaraaro cadaadis lagu saaro in doorasho qabsoonto loogana takhaluso hogaaminta ay dareenka ka qabaan ee madaxwayne siilaanyo

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE YUUSUF HERSI

Exit mobile version