WAJAALE NEWS

Kulmiye oo abaabulaya Olole ka dhan ah Mucaaradka oo toddobaatan kun oo Doolar ku bixi doonto

Waxay dhaq-dhaqaajinayaan Odayaal, Haween iyo Dhalinyaro waji ku macaash ah oo taageera dibu-dhaca Doorashooyinka

Hargeysa(Waaheen) Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa toddobaadkan diyaarinaya qorshe waji ku macaash ah oo ku kici doona dhaqaale dhan toddobaatan kun oo Doolar, kaasoo loogu talogalay in lagu soo ururiyo salaadiin, Haween iyo Dhalinyaro ka hortagta hanjabaada mucaaradka ee 26-ka Juun haddii ay doorashooyinku dhici waayaan.

Sida Ilo wareedyo Muhiim ahi waaheen u xaqiijiyeen waxa uu hogaanka Kulmiye Madaxtooyadda u gudbiyey Miisaaniyad ay sheegeen inay ku baxayso dadka la soo ururinayo ee laga hor-geynayo labada Xisbi Mucaarad, hase yeeshee illaa hada lama oga in codsigaas looga soo jawaabay iyo inkale.

Hogaanka Kulmiye ayaa dhawr maalmood ka hor kulan ku yeeshay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo ay dhawr wasiir ku wehelinayeen kulankaasi, waxaanay go’aamiyeen inay abaabulaan dad kala duwan oo warbaahinta la soo hor fadhiisiiyo si ay xukuumadda ugu taageeraan gar iyo Gardaro qorshaha muddo kordhinta ee ay ka hor yimaadeen labada Xisbi mucaarad.

Sidoo kale, waxa isla toddobaadkan Guriga Madaxweyne ku-xigeenka ku qabsoomay laba kulan oo kale oo daba socday ka wasaaradda arrimaha gudaha ka dhacay, waxaana lagu sii xoojiyey qorshaha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu wadajirka u abaabulayaan.

Dadka u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa Xisbiga Kulmiye iyo go’aanka mucaaradka ayaa isweydiinaya waxa kalifaya arrintan maadaama ay cadahay dibu-dhaca Doorashooyinku isla markaana ay jiraan hay’addo Dawli ah oo u xil saran xal ka gaadhistoodu waa maxay sababta Xisbiga Kulmiye u abaabulayo isu soo baxyo sababi kara in mucaaradku ka gadoodaan oo ay sii xoojiyaan diidmadooda?

Jawaabta su’aashaas waxa la arki doonaa maalmaha fooda inagu soo haya maadaama Komishanka Doorashooyinku si cad u iclaamiyey inaanay doorashooyinku qabsooomi Karin bisha Juun.

Exit mobile version