WAJAALE NEWS

Wargelin Muhiima Iyo Isbedel Ku Yimid Saacadihii Soo Degitaanka Diyaarada Sida Maydka Marxuum Fu,aad Aadan Cade.

17-07-2015-Gudidii heer qaran ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xil saaray Aaska Marxuum Fuaad aadan Cade shalayna ku dhawaaqay in aaska marxuumka la keenayo 7:00Am Subaxnimo, ayaa mar kale gelin muhiima u soo jeediyey Guud ahaan shacbiga Somaliland.

waxanay mar kale shacbiga ku wargelinayaan in duulimaadkii diyaarada ay wax iska bedeleen oo halka uu markii hore ka ahaa 7:00Am subaxnimo, uu hada uu noqday 10:30Am subaxnimo ee beri, 11:00Am saacadu markay tahayna toos loo geyn doono xabaalaha naaso hablood iyada oo halkaasi lagaga tukan doono Marxuumka laguna aasi doono.

Sidaa awgeed waxa lagu wargelinayaa labada Golle, asxaabta xisbiyada, Culimada, Madax-dhaqameedka iyo Shacbi weynaha Somalilandba inay sidaasi ula socdaan kana soo qaybgalaan aaska marxuumka iyaga oo tixgelinaaya wakhtiga danbe ee duulimaadku u dhacay gudiduna ku dhawaaqday.

Exit mobile version