WAJAALE NEWS

Guurka kadib Maxaa keena in Ragu buurbuurnaadaan Marka loo eego dhigooda aan guursan

Hargeisa(Wajaalenews) ;Cilmi-baadhayaal ka tirsan Jaamacadda Leeds Metropolitant, ayaa daraasad ay sameeyeen ku oggaaday in raga xaaska leh ay ka buurbuuran yihiin marka la barbardhigo dhigooda aan wali guursan.

Khuburadda baadhitaankan samaysay, ayaa soo bandhigay arrimo la xidhiidha isbadelka jidh ahaaneed ee soo foodsaara raga xaasaska leh marka loo eego dhigooda kale ee aan wali xaas yeelan.

 

 

 

 

Haddaba, Saynisyahanadan, ayaa farqiga labada dhinac u dhexeeya ku tilmaamay inay tahay isbadelka habnololeed ee uu helo ninka xaaska leh, iyada oo ay fursad u helaan in wakhti kasta laga war hayo heerkiisa cunto qaadasho iyo helitaanka cuntooyin isugu jira noocyo kala duwan, taas oo raga xaasaska leh u horseeda in miisaan ahaan jidhkoodu ka waynaado sidii uu ahaan jiray kahor inta aanu xaaska yeelan.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo aanay khuburadan si buuxda u soo bandhigin waxyaabaha ninka xaaska leh uu uga buurnaado dhigiisa kalida ah, balse waxay daah-fur ku sameeyeen dhawr arrimood oo ay ku tilmaameen in ay muhiim u tahay sababta buurnaanta ugu wacan ragga xaaska leh, waxa ka mid ah in kadib guurka ay ragu helaan maalmo kooban oo si fiican uga nastaan rabashadihii iyo wareerkii hore ugu xayn-daabnaa iyo fikirka kale oo ah in ragga guursada gabadh aad ugu fiican dhinaca wax karinta uu heli karo cunto si fiican isugu dheeli tiran oo aanu hore u heli jirin.

Sidoo kale, daraasadan ayaa soo bandhigtay aragtiyo la xidhiidha in dumarka qaarkood ay si ula kac ah u quudiyaan ragooda, iyada oo ujeedadoodu tahay sidii ay ninkeeda uga dhigi lahayd mid aan soo jiidan dumarka kale.

Daraasada ayaa intaa ku dartay in ragga hore u soo maray xaas ay aad u cunaan caanaha nooca ciirta marka loo eego kuwa iyagu furay xaasaskooda iyo in raga guurkooda u horeeyaa ay ka macmacaan cunis badan yihiin marka la barbardhigo dumarka carmasha ah ee hore guurka u soo maray.

 

XIISAHA WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version