WAJAALE NEWS

DAAWO;Siciid Sulub Oo Si Adag U Naqdiyey Wadahadaladii somaliland &Somaliya Iyo Dhoollatuskii Kulmiye Ku Qabsaday Hargeysa

HARGEISA(Wajaalenews)Wasiirkii Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Xukuumaddii Daahir Rayaale, ayaa si adag u naqdiyey Shirweyne Dhoollatus ahaa oo dhawaan Xisbiga Kulmiye ku qabsaday Huel Mansor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga Hadlayey Arrimaha Doorashooyinka.

Siciid Sulub waxa uu tilmaamay in shirkaasi ahaa mid lagu Burburiyey lacago adag oo umaddu baahi badan u qabtay, waxana uu xusay inay Haboonayd in kharashkaas Biyo loogu raadin lahaa dadka abaabuhu hayaan.

Siciid Sulub oo u waramay Startv ayaa ugu horayn ka hadlay sida uu u arko Iscasilaada Masuuliyiinta XUkumadda iyo isku shaandhayntii u dambeysay “Dawlad dhisan oo fulin leh marnaba Xukumaddani may ahayn, Kooxo ayay ahayd, waxan meesha ka dhacayana wuxuun baan u arkaa kooxihii baa isla rafanaya oo kolba Koox la roganayaa ama laga adkaanayaa. Xisbiga Kulmiye waa kooxo, Xukumadduna waa Kooxo, Isku Shaandhayntana iyaguun baa dhexdooda isrogroganaya oo kolba koox baa tunka lagaga dhacayaa qolana waa yara ladnaanaysaa, markaa dee malaha barina waxaynu arkaynaa in qolada kale gacan sarrayso”ayuu yidhi Siciid Sulub.

Siciid Sulub, ayaa sidoo kale ka hadlay Aragtidiisa Shirkii Khamiistii Xisbiga Kulmiye Hargeysa ku qabsaday, isagoo sheegay in sida uu xogaha ku helay dadka la iskugu keenay ujeedooyinka duwan Kulanka islamarkaana loogu sheegay dadka qaarkii in Lacago lagu qaybinayo markii dadkuk xaqiiqada Ogaadayna la iskaga dareeray.

“Shirka xataa Xisbiga iyo Xukumaddu umay dhamayn, markaas waxaan u arkayaa uun arrin qayb ka ah jaahwareerka haysta Xukumaddan iyo Xisbigeeda,waana ayaan darro inay maanta lacago faro badan oo dadku u baahan yahay lagu bixiyo, iyadoo waliba dalkeena maanta abaaro ka jiraan, malaha Xukumaddeenu ma oga oo Nimcaa fadhida ayuun bay yidhaahdaane, dhaqaale Biyo dhaamis lagu samayn lahaa ayaa abaabulkaas lagu galay” ayuu yidhi Siciid Sulub.

Exit mobile version