WAJAALE NEWS

Budhcad Badeed Soomaali Ah Oo Afduubay Maraakiib Iiraan Leedahay

Muqdisho(Wajaalenews) -Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in budhcad badeed ay qabsadeen labo Markab oo Iran laga leeyahay.

Waxaa lagu qabsaday xeebaha Soomaaliya. Qabsashada labada Markab ayaa noqonaysa afduubashadii u horaysay ee ka dhacda xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012-kii.

Xafiiska Daroogada iyo dambiyada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay saarnaayeen 48 shaqaale ah, ayna si sharci daro ah uga kaluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Khuburada baduhu waxa ay sheegayaan in hoos u dhaca weerarada budhcadu ay sababtay in ay bataan maraakiibta sida sharcidarada ah uga kaluumaysata xeebaha Soomaaliya, taasina ay sababikarto in weeraro dheeri ah oo ay burcad badeedu gaystaan.

Maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah oo gaafwareega xeebaha Soomaaliya iyo maraakiibta oo adeegsada waardiyeyaal hubaysan ayaa gacan ka gaystay in ay hoos u dhacaan budhcad badeedii Soomaalida, kuwaas oo gaysan jiray ilaa 200 oo weerar sanadkiiba.

 

Exit mobile version