Sucuudiga Oo Xabsi Guri Elegtaroonig ah u samaynaya Dumarka Maxaabiista ah
Wasaarada caddaaladda ee dalka Sucuudiga ayaa dersaysa qorshe cusub oo haweenka xabsi guri elegtaroonig ah loogu samaynayo. Talaabadan ayaa dawlada Sucuudigu sheegtay inay ku doonayso sidii dhaqan ahaan iyo nafsi ahaan dumarka loogu ilaalin lahaa, sidoo kale waxa looga dan leeyahay in aanay dumarka la xidho ka dayacmin caruurta iyo qoyskoodu.
Qalabka elegtarooniga ah ee dumarka maxaabiista ah lagu xidhayo ayaa noqon doona mid lagu ogaanayo ama lagula soconayo dhaq dhaqaaqooda, loomana ogolaan doono inay ka baxaan guriga mudada la xukumay inay maxaabiis ahaadaan. Sida jariirada Alcanaawiin bogeeda internetka ay ku daabacday waxa qalabkan shardi u ah in nooca haweenayda lagu xukumayaa noqoto mid cad ka hor intaan talaabadan la qaadin. Wasaarada caddaaladda ayaa sheegtay in marka hore lagu fulin doono dumarka caruurta leh iyo kuwa aanay qooskoodu ugu maarmayn inay kala maqnaadaan, ka dibna kuwo kale lagu dabiqi doono, waxa sida jariiradu sheegtay qalabkan ku lamaan damaanad buuxda oo qoyska ama qof damiin adag ah laga dhigi doono si danbiilaha loo sugo inuu fulinayo awaamiirta.
Qalabkan oo gabadha lagaga xidhayo gacanta waxa uu la shaqaynayaa nidaam dayax gacmeed ama satalaydka sida loo yaqaan kaas oo ah mid dhaq dhaqaaqa gabadha lagula soconayo. Qalabkan elegtariga ah ee lagu xidhayo maxaabiista dumarka ee xabsi guriga lagu soo rogay waxa uu qalabkani yahay mid lagala soconayo xarun dhexe oo loo sameeyay, waxaanu hadii qofku dhaafo talaabo qudha inta loo xadiday dirayaa fariin si toos ah ugu dhacaysa xarunta laga hagayo taas oo qaylo dhaan samaynaysa si deg deg ahna ay suura gal u tahay in ciidamada asluubtu ugu gurmadaan guriga qofkaasi degnaa.
Haddii uu xad gudubka si badheedh ah u sameeyo waxa loogu badalayaa xabsi buuxa,hadiise uu fuliyo oo maxbuusku ku dhaqmo waxa laga yarayn doonaa maalmaha u danbeeya ee xukunkiisa inta loo xadiday. Qalabkan elegtarooniga ah ee lagu xabiso dadka qaarkood oo lagaga dhaqmo dalalka Maraykanka iyo Qaarada Yurub ka mid ah, waxa sanadkii hore codsaday in lagu dhaqmo sheekh ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Sucuudiga kaas oo sheegay in kala go’doomida haweenka iyo qoyskooda ay yarayn doonto.