Ceerigaabo (Wajaale News) Lacagta Somali shilling ee Somaliya ayaa si rasmi
ah waxaa maanta looga bedelay magaalada ceerigaabo ee xarnuta gobolka
sanaag oo isticmaali jiray ayaa beryahanba dhibaato ka haysatay
bulshada deganka gobolka Sanaag? iyadoo ay lacag foojar ah oo laga
soo daabaco goboladda bari ee Puntland ay dhibaato wayn
ku hayso
bulshada gobolka Sanaag? gaar ahaan degmada Ceerigaabo ee Xarunta
gobolka Sanaag.
Si kastaba ha ahaatee, Wafti balaadhan oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha
Banka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa Saaka kormeer shaqo ku soo
maray 11 goobood? gudoomiyaha oo xarumahaas ka khudbadayey ayaa yidhi
waxay u jeedada yadu tahay oo socdaalka yagani daaran yahay in
lacagtii Giinbaarta ahayd ee gobolkan laga isticmaali jiray in laga
bedelo oo lacagta Somaliland la qaato? waxanu u qabanay waqti bedelka
lacagta muddo kooban oo ah 48 saac ama laba maalmood oo ku eg maalinta
jimcaha. Maalinta sabtida ee foodda inagu soo haysa ayaa la filayaa
in lacagta shilling Somaliland wax lagu kala iibsado dhamaan gobolka
Sanaag gaar ahaan Magaaladda Ceerigaabo? Waxay waftiga uu hogaaminaayo
gudoomiyaha Banka Somaliland u soo jeediyey bulshada reer ceerigaabo
mahadnaq balaadhan
Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu uga digay dadka talaabadaas lacagta
lagaga bedelayo ceerigaabo ka soo horjeesatana waxa laga qaadayaa
talaabo Sharciga waa faqsan
Isku soo wada duuduuboo bedelka lacagtan ayaa waxaa si wayn looga
dareemayaa magaalada ceerigaabo iyadoo Kunka Shilling ee Somaliland
lagu bedelayo Saddex kun oo shilling Somaliya. (1000
sh/sl===3000sh/s).
Gebo gebadii Socdaalka Gudoomiyaha Banka Somaliland ayaa ku soo
beegmaya xili ay maalimihii ugu danbeeyay magaalada ceerigaabo ka
jireen jaah wareer dhinaca lacagta Shilling ka somaliga, iyadoo ay soo
galeen suuqa lacago foojari ah kuwaasoo khal khal ku riday habsami
usocdkii ganacsiga iyadoo ay hore isaga bedeleen bedeleen lacagtan
shilling ka somaliga ah magaalooyin ku dhow dhow magalada ceerigaabo
kuwaasoo iskood u go?aansaday inay qaataan lacagta Somaliland
shilling
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland