WAJAALE NEWS

Maxaa Kala Qabsaday Mareeyaha Dekada Barbera Eng Cali Xoor Xoor Iyo Marwo Aamina Waris?.

BARBERA(Wajaalenews) Wararka nagasoo gaadhaya gobolka Saaxil magaalo madaxdiisa barbera ayaa sheegaya in moran Xoogan dhexmaray mareeyaha dekeda barbera iyo marwada Madaxwaynaha aamina sheekh maxamuud jirde (aamina waris) khilaafka xoogani soo kala dhexgalay marwada iyo mareeyaha ayaa ismaan dhaafkoodu ka dhashay kadib markii waftiga madaxwayne siilaanyo ay dadwayanaha reer barbera kala Hortageen mudaharaad balaadhan oo ay ku diidanyihiin in Rabitaanka xukuumada siilaanyo oo iyadu doonaysa in ay sifo sharciga baalmaran u bixinayso dekeda barbera.

Waxa kale oo ay wararku intaa kudarayaan in ay marwadu ku canaanatay sobobta uu u dajin waayay dadwaynaha gadoodka kala hortagay waftiga madaxwayne siilaanyo oo wali ku sugan oo ayna u suurto gali wayday in ay waxtalaaba ah qaadaan Arintan ayaa sida ilo xogogaalihi noo xaqiijiyeen sobobtay in mareeyaha eng cali xoor xoor ku hanjabay in uu iscasilayo xukuumadana uu kaga soo horjeedsaday arinta ay u socdeen ee ah in ay u raadinayaan taageero lagu doonayo in shirkad shisheeye ah gacanta loogu galiyo dekeda kaliya ee dalku leeyahay oo ku dhawaad ay 80% ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalku.

BARBERA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

 

 

 

Exit mobile version