WAJAALE NEWS

Mareeyaha Dekeda Berbera Eng cali xoor xoor Oo La Sheegay In uu ka Biyo Diiday Heshiishkii Lagu Dhaxal Wareejinayay Dekeda Iyo Saamaynta Uu ku Yeelanyo Shacabka Gobolka Saaxil

Eng Cali Xoor Xoor Oo Aan Gabi Ahaanba ka Muuqan Muuqaaladii laga soo Diray Heshiiskii ay xukuumadu Lagashay Shirakada Dubai World Iyo Xogaha soo baxay.

 

HARGAYSA(Wajaalenews) Waftigii madaxwayne siilaanyo ee  ku sugnaa Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa heshiis lagay shirakada DUBAI WARLD heshiishkan ayaa sida lagu sheegay warsixaafadeed kasoo baxay madaxtooyada somaliland ujeedadiisu ahayd  in gabi ahaanba dekeda berbera gacan ku haynteeda lagu wareejinayay sidoo kale heshiiskan ayaa lagu sheegay in mashaariic kale laga hirgalindoono magaalada berbera iyo qaybaha korontada

hadaba wararka aanu ka helayno heshiiskan ayaa noo xaqiijiyay in gabi ahaanba uu heshiiskan ka biyo diiday maareeyaha dekeda berbera eng cali xoor xoor oo isagu kamid haa xubnihii madaxwaynaha uga sii horeeyay Emaraatka Safka herana kaga jiray heshiisyada  ku saabsan arimaha dekeda iyo maalgalinteeda.

DAWO SAWIRKAN IYO XUBNAHA KU KALIYAYSTAY HESHIISKII DHAXAL WAREEJINTA DEKEDA BERBERA

wararkan ayaa intaa ku daray in Eng Cali Xoor Xoor markii uu  si dhaba u ogaaday nuxurka ka danbeeyay heshiiskan iyo saamaynta uu ku yeelanayo shacabka gobolka saaxil  wuxu si badheedha u diiday in uu madaxwaynaha iyo xubnahan heshiiska sexeexayay kala qaybgalo wuxuuna gabi ahaanba qaadacay in Uu goob joog ka ahaado halka lagu sexeexayo dhaxal wareejinta dekeda berbera

Wararkan ayaa intaa ku daray in eng cali xoor xoor iskaga soo baqoolay magaalada dubai isagoo asheegay in uu usoo jeddo  waftiga ka hor dhinaca magaalada berbera

sidoo kale heshiiskan ayaa xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo xusbi xaakim keedu ku dhaxal wareejiyeen dekeda berbera ayaa wuxuu gabi ahaanba meesha kasaarayaa heshiiskii ay xukuumada dhawaan la sexeexatay dalka ETOOBIYA iyo mashruuca berbera cooridor oo qiimo wayn uleh guud ahaan shacabka somaliland

dhanka kale xisbiyada qaranka ayaan iyagu  ka hadal boobka iyo dhaxal wareejinta ay xukuumada siilaanyo ee wakhtigeedu dhamaantay ay dalka ku sii boobayso taasi oo ka dhigaysa in ay asxaabta mucaaridkuna kagala raali yihiin sida xisbi xaakimkeeda oo kale kaasi oo isna hadii uu guulaysto qaadaya jidka uu madaxwayne siilaanyo u jideeyay.

Exit mobile version