WAJAALE NEWS

Faah faahin ku saabsan Qaraxii Maanta Ka Dhacay Hotel Central Ee Muqdisho Iyo magacyada mas’uuliyiintii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay

Muqdisho(Wajaalenews)Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa magacyada mas’uuliyiinta dowladda ee ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii ay Al-shabaab sheegteen ee maanta lagu qaaday hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

“Mas’uuliyiinta ku dhintay weerarradan waxay kala yihiin; xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), xildhibaan Maxamed Ducaale Muuse (Xaaji Kafee) iyo guddoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caago-geel),” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cismaan.

Xildhibaanka geeriyooday ee Xaaji Kafe ayaa la sheegay inuu bedelay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo sannadkii hore ay kooxo hubeysan ku toogteen meel ku dhow hoteel ay deggenayd.

Sidoo kale, waxaa weerarkan ay dhaawacyo kasoo gaareen dhowr qof oo ay ka mid yihiin; ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia, ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha, Maxamed Cumar Carte iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Axmed Cali Jaamac (Jangeli), kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Waxaa kaloo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarkan Salaad Cali Jeelle oo ka horay u soo noqday wasiirka gaashaandhigga dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya iyo xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo isaguna horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha dowladdii KMG ahayd ee Sh. Shariif Sh. Axmed.

Ugu danbeyntii weerarka oo ay sheegteen Al-shabaab waxaa ku dhintay 11-qof oo isugu jiray askar iyo shacab, iyadoo weerarradan ay kusoo beegmeen xilli la filayo inuu berri Muqdisho yimaado madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Exit mobile version