WAJAALE NEWS

Boqorada Ingiriiska ee Elizabeth II oo noqotay Boqoradda ugu da’da weyn caalamka kadib geeridii Boqor Cabdalla.

BRITAIN-QUEEN/
LONDON(WAJAALE-NEWS): Boqoradda reer Ingiriiska ee Elizabeth II ayaa noqotay boqoradda ugu da’weyn caalamka, ka dib geeridii boqor Cabdallaha Sacuudiga oo 90-sano ku geeriyooday shalay, iyadoo Elizabeth II 89-sano gaari doonto 21-ka April sanadkaan 2015.

Boqorad Elizabeth II oo kursiga boqortooyada Ingiriiska ku fadhiisatay 1952ki, kadib marki uu geeriyooday waalidkeed George VI, ayaa ka da’weyn dhamaan boqorada ka jira caalamka xiligaan, waxaana kuwa kusoo xiga ey jiraan 87sano.

Waxaa xusid mudan in Elizabeth II ey tahay boqoradda labaad ee ugu cimriga dheer boqortooyada Ingiriiska oo jirta 1000-sano, waxeyna ku jirtaa booska labaad, iyadoo ka hooseyda Ayeeyadeed, waxeyna geli doontaa booska koobaad hadii ey gaarto Sebtember 2015.

Exit mobile version