Berbera(Wajaalenews)Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin ayaa safarka madaxwayne Siliaanyo ku joogo magaaladda Berbera ku tilmaantay mid uu ku damacsan yahay inuu dalka ka rido dagaalo sokeeye.
Marwo Rooda ayaa sheegtay in socdaalka madaxweynuhu uu ku jihaysan yahay degaanka Ceel garde oo markii ay u suurtogeli wayday in Awdal laga abuuro dagaal xaaladii loo soo raray gobolka Saaxil, iyada oo uu damacsan yahay in wax lagu sheegay kala xadayn uu u tegi doono. Hase yeeshee horseedi doonta dagaal sokeeye oo lagu hoobto.