Marka aynu dib ugu laabano Taariikhda Somaliland ee Qoyan oo aan aheyn
mid sii durugsan waxeynu Tusaale dhow ku soo qaadan karnaa ayaamihii
loolanka adag iyo xafiiltanka culusi u dhexeeyay Xisbiyadii Kulmiye
iyo Udub ee ay kala hogaaminayeen Madaxewynaha maanta Axmed Siilaanyo
iyo Daahir Rayaale hadal xumaantii mashruucyadii qalalaasaha iyo buuqa
badnaa ee Buurmadow ku weerari jirey Madaxweyne Siilaanyo markii uu
ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,iyadoo Bulshada Somaliland kawada
dharagsan tahey,halkii uu aakhirkii kaga tagey Madaxweynihii hore ee
Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu kamid ahaa saaxiibadisa ku
cagta iyo socodka badnaa ee aaney baahidoodu ka dhamaan jirin waxa uu
dhaafsadey hunguri sida laga warqabo saqiir iyo kabiirba taas oo meel
kadhac iyo nusqaan ku ah sharafka mawaaqiifta iyo shakiyada qof
ahaaneed iyo waliba tan madaxdhaqameedku maamuuska ay leeyihiin
waxaaney taasi marag madoon unoqoneysaa naaneysta uu Cismaan Buur
madow ku yahay Madaxdhaqameedka Somaliland.
Marka ay u taa ka nimaadno hadeynu usoo noqono ayaamihii u dambeeyay
iyo bilowgii xukuumadan mudo imika afar sano iyo dheeraad laga joogo
hadaladii Buurmadow ku weeraray xukuumada oo ahaa kuwa aan cidna ka
maqneyn isagoo gunaanad uga dhigay dumar iyo caruurbaa ka taliya
meesha ee odaygu waa maqaarsaar ilaahow afkayaga haa iyo maya hakawada
yeedhsiin hadaba marka xaqiiq ahaan loo dhabo galo hadaladiisa wakhti
xaadirkan waxa ay cadeyn u tahay in Buur madow hadaladiisa uu
warbaahinta marinayaana yihiin mid uu ku caayayo caqliga shacabka
somaliland islamarkaana, sawir fiican ka bixineysa halka uu ka taagan
yahay garaad ahaan iyo shakhsi ahaan kaalinta uu ku leeyahay bulshada
waxaanay arimihiisu noqonayaan marka la isku duubo in uu ku suntan
yahay calaamadaha munaafaqa oo aan aduun iyo aakhiro midna meel ku
lahayn.
Gabagabadii waxay maanta dadku isweydiinayaan kalgaceylka uu uhayo
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),qoykiisa
Marwo Aamina Waris iyo inanka Madaxweynuhu sodoga u yahay miyaanay
aheyn munaafaqnimo uu ku xagxaganyo Wasiirada Xukuumada oo uu
laaluushkii uu caanka ku ahaa iyo dhaqanadiisii xumaa wax kaga
raadinayo, waxaanan ilaaweyn arintii uu ku dhexdhexaadiyay Shirkada
Dahabshiil iyo wiil Reer koonfureed ah iyo halka ay mustaqbal ahaan ku
dambaysay maadaama uu saaxiib la yahay ninkaasi wajiyada badani dadka
xun iyo shakhsiyaadka sida xun wax ku doona ee cay iyo aflagaado
qaawan shacabka Somaliland ugu soo horkacaya nin koonfur kasoo
jeeda,wajiyadaada badan mar ayaad eedi doontaa ayaan tusmada
qoraalkeuga kusoo koobayaa.
Wabilaahi Towfiiq
Faysal Cabdi Axmed Ismaaciil
Hargeysa Somaliland
fayo70@gmail.com