Qodobka 20aad(1) ee xeerka gobolada iyo degmooyinka JSL, xeer Lr.23,2002 wuxuu dhigayaa sidan:” 1. Mudada Xilka Mudaneyaasha Golaha Degmada waa shan (5) sanno oo ka
bilaabmanta maalinta Maxkamaddu Go’aanka doorashada ku dhawaaqdo”.
Sunnaha dimuqraadiyadda ayay tahay in marmarka qaar fartaadu kuu soo saarto masuul aad eeddo; Tusaale: Dadweynaha maraykanku waxay madaxweyne u doorteen nin caafimaadkiisa maskaxeed aad looga shakisan yahay, laakiin maaha nin xafiiska ku waaraya ee wuxuu leeyahay muddo xileed, taas ayaa dadka maraykanku ku nafiseen oo ay sugayaan.
Taas mid la mid ah ayaa ka jirta Golaha deegaanka ee Hargeisa. Kii doortay iyo kii aan dooraniba waxay isla qireen in golahan deegaan ee hadda jiraa fashilmay, waxayna ugu farxad badnaan lahaayeen inay arkaan xildhibaanada maanta jira oo meesha ka dareeray. Dadkeenu se waxa ku dhacday nasiib darro ah in gole ama qof ay ku khasaareen doorashadiisa oo haddana sii hor fadhiya taas oo laf-jab ku ah dhaqanka dimuqraadiyadda hagaagsan iyo xeerarka aynu dhiganay intaba, niyad jab weynna ku keenaysa codbixiyayaasha, musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aana ku dhiiri galinaysa mudanaha fadhiya kursi waqtigiisii dhammaaday.
In doorashada waqtigeeda la qabto xikmad ayaa ku jirta, taasoo ah in qofkii/Golihii dadaala dadku fursad labaad siiyaan ama in ay meesha ka saaraan ciddii ku fashilanta u jeedadii loo doortay.
Geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland sheegato ma dhamaystirmi doono inta xaalku sidan yahay.
Cid kasta oo la doortay waxa la doortay muddo cayiman oo xeerku caddeeyey, intaas wixii ka baxsan wuxuu shakhsigaas/golahaasi ku fadhiyaa waa sharci darro haddaanay jirin sabab kale oo sharci jideeyey.
Waxa aynu qoranay waa in aynu ku dhaqanno haddii kale ha la qabto afti qaran oo dib loogaga noqonayo dastuurkii iyo xeerarkii aynu dhiganay gabi ahaantoodba dabadeedna waxaynu jecelnahay aynu isku dhaqno.