|
|||||
WAJAALE NEWS
Buur Madow Labaatan Wajiile Inuu Yahay Waa Macruufe Dhab Maka Tahey Kalgaceylka Uu Qabo Siilaanyo Iyo Qoyskiisa,
February 23, 2015 - Written by Editor:Marka aynu dib ugu laabano Taariikhda Somaliland ee Qoyan oo aan aheyn mid sii durugsan waxeynu Tusaale dhow ku soo qaadan karnaa ayaamihii loolanka adag iyo xafiiltanka culusi u dhexeeyay Xisbiyadii Kulmiye iyo Udub ee ay kala hogaaminayeen Madaxewynaha maanta Axmed Siilaanyo iyo Daahir Rayaale hadal xumaantii mashruucyadii qalalaasaha iyo buuqa badnaa ee Buurmadow ku weerari jirey Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,iyadoo Bulshada Somaliland kawada dharagsan tahey,halkii uu aakhirkii kaga tagey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu kamid ahaa saaxiibadisa ku cagta iyo socodka badnaa ee aaney baahidoodu ka dhamaan jirin waxa uu dhaafsadey hunguri sida laga warqabo saqiir iyo kabiirba taas oo meel kadhac iyo nusqaan ku ah sharafka mawaaqiifta iyo shakiyada qof ahaaneed iyo waliba tan madaxdhaqameedku maamuuska ay leeyihiin waxaaney taasi marag madoon unoqoneysaa naaneysta uu Cismaan Buur madow ku yahay Madaxdhaqameedka Somaliland. Marka ay u taa ka nimaadno hadeynu usoo noqono ayaamihii u dambeeyay iyo bilowgii xukuumadan mudo imika afar sano iyo dheeraad laga joogo hadaladii Buurmadow ku weeraray xukuumada oo ahaa kuwa aan cidna ka maqneyn isagoo gunaanad uga dhigay dumar iyo caruurbaa ka taliya meesha ee odaygu waa maqaarsaar ilaahow afkayaga haa iyo maya hakawada yeedhsiin hadaba marka xaqiiq ahaan loo dhabo galo hadaladiisa wakhti xaadirkan waxa ay cadeyn u tahay in Buur madow hadaladiisa uu warbaahinta marinayaana yihiin mid uu ku caayayo caqliga shacabka somaliland islamarkaana, sawir fiican ka bixineysa halka uu ka taagan yahay garaad ahaan iyo shakhsi ahaan kaalinta uu ku leeyahay bulshada waxaanay arimihiisu noqonayaan marka la isku duubo in uu ku suntan yahay calaamadaha munaafaqa oo aan aduun iyo aakhiro midna meel ku lahayn. Gabagabadii waxay maanta dadku isweydiinayaan kalgaceylka uu uhayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),qoykiisa Marwo Aamina Waris iyo inanka Madaxweynuhu sodoga u yahay miyaanay aheyn munaafaqnimo uu ku xagxaganyo Wasiirada Xukuumada oo uu laaluushkii uu caanka ku ahaa iyo dhaqanadiisii xumaa wax kaga raadinayo, waxaanan ilaaweyn arintii uu ku dhexdhexaadiyay Shirkada Dahabshiil iyo wiil Reer koonfureed ah iyo halka ay mustaqbal ahaan ku dambaysay maadaama uu saaxiib la yahay ninkaasi wajiyada badani dadka xun iyo shakhsiyaadka sida xun wax ku doona ee cay iyo aflagaado qaawan shacabka Somaliland ugu soo horkacaya nin koonfur kasoo jeeda,wajiyadaada badan mar ayaad eedi doontaa ayaan tusmada qoraalkeuga kusoo koobayaa.
Wabilaahi Towfiiq Faysal Cabdi Axmed Ismaaciil Hargeysa Somaliland fayo70@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|