WAJAALE NEWS

Meydka gabadh la Dilay oo laga helay Dooxa Caabudla

Abaarso(Wajaalenews) Maydka Gabadh la Dilay ayaa shalay laga helay buundada Caabudla ee galbeedka tuulada Abaarso, waxaana Maydka Gabadhan soo qaaday Booliiska kadib markii lagu wargaliyey Meydka gabadhaasi.

Dad goob joog ayaa sheegay in Maydka gabadhan ay ku yaaleen astaamo muujinaya in Tooray lagu Dilay, isla markaana ay ka muuqdeen dhaawacyo calculus.

Lama hayo illaa hada cid dishay gabadhan sida ay goob joogayaashu sheegeen, hase yeeshee waxa jira raad iftiiminaya in loo hayo waalidka nin la tuhunsan yahay oo la sheegay inay Dacwadi ka dhaxaysay.

 

waaheenmedia

Exit mobile version