WAJAALE NEWS

Jidka Kalabaydh Iyo Wajaale “ Shalay &Maanta”

TogWajaale(Wajaalenews)Istaraatajiyadaha Arimaha fidinta Adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha waxaa lafdhabar u ah Isgaadhsiinta Jidadka , waxayna kaalin muhiim ah ku leeyihiin koboca dhaqaalaha Wadanka iyo dhamaanba kor u qaadida Adeegyada aas aasiga ah ee Bulshada. Iyada oo wadooyinku ka mid yihiin halbeegyada lagu cabiro heerka koboca dhaqaalaha Ee uu wadan gaadhsiisan yahay.

Xukuumada Jamhuuriyada Soomaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamud ( Siilaanyo) waxay sanadihii ugu danbeeyay guulo gashi horumarineed u noqday bulshada ka soo hoysay guud ahaan dhinacayda fidinta horumarka adeegyada aas aasiga ah gaar ahaan dhinaca isgaadhsiinta wadooyinka oo markii ay hogaaminta xukuumadu dajisay qorshayaal tilmaamaya meel marinta hayaanka hirgalinta wadooyinka isku xidha gobolada iyo magaalooyinka Somaliland islamarkaana hirgalinta wadooyinka siwayn looga qaybgaliyey Shacabka Somaliland ayaa waxaa guulo muuqda laga soo hooyay dhinaca isgaadhsiinta Wadooyinka.

Haddaba waxa uu maqaalkaygani maanta ku qotomaa mar aan socdaal ku gaadhay magaalada Wajaale ayaa waxaan sii maray Jidka isku xidha Kalabaydhka iyo Wajaale oo wakhiyadii hore ragaadin jiray bulshada iskaga gooshaysa Hargaysa ilaa Wajaale. Aniga oo hore in badan maray jidkaa intaan la dhisin, islamarkaana dhawr jeer oo dambe maray intii la dhamaystiray. Sidaadarteed.

waxa ALLE (SW) ii suura galiyey inaan safarkaygan u dambeeyey oo ku beegnaa 1 January 2015 aniga oo kusii jiida Caasimada Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia ee Jigjiga aan tilmaamo kana markhaati furo horumarka la taaban karo ee ay Xukuumada iyo Masuuliyiinteeda u xilsaaran horumarinta jidadka ay ka hirgaliyeen dalka intiisa badan oo ay kamid tahay Jidkii rafaadka iyo dhibta badnaa ee Kalabaydh iyo Wajaale .

waxa uu ahaa jidkaasi markii hore mid dhibaato wayn ku hayey bulshada isaga gooshi jirey magaalo ganacsiyeedka Wajaale iyo dalka intiisa kale marka laga bilaabo magaalada kalabaydh ilaa inta laga gaadhayo Degmadaa Wajaale. Waxaan xasuustaa badhtimihii sanadkii 2013 aniga oo ka jarmaaday Hargeysa watayna gaadhi yar una sii jeeda Magaalada Jigjiga ayaa waxaan igu qaadatay inaan Kalabaydh iyo Wajaale aan u socdo Saacad iyo dheeraad inta ay isku jiraana sidaynu ognahay waa 18KM, Halka aan Wajaale iyo Jigjiga oo masaafo 70KM ahna aan u socday wax ka yar 30 daqiiqo. Waxaase farxad weyn ii ahayd inaan safarkaygan u dambeyey in ay igu qaadatay jidkaa dhibka badnaa ee aynu soo xusnay in ka yar 15 daqiiqo.

Gunaanadkii, marka laga yimaad mudada loo kala socon jiray jidkaa aynu soo xusnay waxaa iyana jirtay caqabado iyo dhib Naf iyo maalba lahaa oo ay la kulmi jireen gaadiidka kala duwan iyo bulshada saran ba. Balse hadda waa mid laga bogsaday.

Waxaanan marka kowaad mahadeeda leh ALLE (SW) oo ku il-haamiyey una fududeeyey Xukuumadeena iyo masuuliyiinteeda u xilsaaran hawlahan dib u dhiska Jidadka dalka , tanina waxay kamid tahay hirgalinta mashaariicda midho –dhalka ah ee dalka ka hirgalay sanadihii tagay.

Waa mid masuuliyiinta qaranku ay mutaysteen in lagu bogaadiyo Jidkan aynu ka hadlayno , kuwa kale ee dhamaaday iyo kuwa hadda gacanta lagu hayo, wa’ayo maaha mid fudud ku dhaca in jidad intaas oo KM ah lagu dhiirado marka la eego kharashka ku baxa iyo hawlaha culayska leh ee dhinac yaal.

Takale waxaa iyaguna amaan mudan bulshada Somaliland ee kala duwan ee hiil iyo hooba isku garabtagay xukuumadeeda waxqabadka ku suntan inay fuliso intaas oo mashruuc oo kala duwan.

 

Abdirazak Askar

Halsan Media Group

Exit mobile version