WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Qalinka Ku Duugay, Wa-ka-beddel iyo Kaabisna Ku Sameeyey Xeerka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

Hargeysa:(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Maanta, ayaa Maanta xeer madaxweyne Ku Dhaqan geliyey, isla-markaana Kaabis iyo wax-ka-beddel ku sameeyey xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Xeer No Lr. 37/2007 oo muddooyinkan dambe hor yaallay.

Dhaqangelinta Xeerkan ee Madaxweynaha, ayaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo Baxay Madaxtooyada somaliland, kaas oo u dhignaa sidatan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014   ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay :Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Xeer Lr. 37/2007

Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka         iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Exit mobile version