|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Qalinka Ku Duugay, Wa-ka-beddel iyo Kaabisna Ku Sameeyey Xeerka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka
December 24, 2014 - Written by Editor:Hargeysa:(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Maanta, ayaa Maanta xeer madaxweyne Ku Dhaqan geliyey, isla-markaana Kaabis iyo wax-ka-beddel ku sameeyey xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Xeer No Lr. 37/2007 oo muddooyinkan dambe hor yaallay. Dhaqangelinta Xeerkan ee Madaxweynaha, ayaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo Baxay Madaxtooyada somaliland, kaas oo u dhignaa sidatan: WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay :Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007 Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Related posts:“Wasiir Qambi Waan Hambalyaynayaa, Mar Hadaad Tidhi Abtiyaashay Ayaad Tihiin, Waxa Jiray Dad Badan O... Halka Ka Daawo-Wasiir Biyaha Somaliland Oo Iftiimiyay Ismaan-Dhaaf Shaqo Oo Ka Dhexeeya Isaga Iyo Ma... Deg-Deg-Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo Fariin Adag U Diray Gudida Doorashooyinka Kana Hadlay Buugii K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|