WAJAALE NEWS

Dawladda Pakistan Oo Samaynaysa Maxakamad Militari Oo Lagu Qaado Kiisaska Argagixisada La Xidhiidha

Hargeysa(Wajaalenews)-Dawladda Pakistan ayaa samaynaysa Maxakamaddo Militari oo lagula xisaabtamo dadka loo qabto falalka Argagixiso kaddib markii ay kordheen weerarada Daaliban.

Ra’iisalwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, ayaa sheegay in Weerarkii lagu qaaday Iskuulka ku yaala Pashawar ee caruurta badan lagu dilay ahaa mid Qaranka gilgilay,sidaas darteedna loo baahan yahay talaabooyin in la qaado.

Waxa uu sheegay in markii hore dadka falalka Argagixiso gaystay ka baxsan jireen ciqaabta, sababtoo ah hanaanka cadaaladda oo ah mid aan xoogganayn.

Maxkamadda miletariga ee la doonayo in la dhiso ayaa waxa qeyb ka noqon doonaan qorshaha lagaga hortagayo xagjirnimada waxaana ka mid noqon doona talaabooyinkaas in dhusha la gala socdo madaariista ama malcamadaha, in laga mamunuuco argigixisada in ay ka soo muuqadaan warbaahinta iyo in laga hor istaago kooxaha la mamnuucay in ay adeegsadaan magacyo cusub..

Talaabooyinkan waxa soo dhoweeyey inta badan dadka reer Pakistan, balse qaar kale ayaa su’aal gelinaya isticmaalka maxkamadaha militariga iyadoo aanay jirin cid madaxbanaan oo dusha kala socon doonta.

Qorshahan waxa ku heshiiyey xisbiyadda siyaasada ee Pakistan.

Pakistan ayaa sara u qaaday howgalada ka dhanka ah argigixisada wixii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday iskuulka ku yaalay Pashawar. Waxay xukuumada meesha ka saartay mamnuucidii xukunka dilka ah , waxaana wixii wakhigaasi ka dambeeyey la dilay lix nin.

Miletariga ayaa sidoo kale sara u qaaday weerarada ka dhanka ah kooxda taalibaan,degaanada ay ka taliyaan qaabaa’ilada.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version