WAJAALE NEWS

Muxuu Daaranyahay Xadhiga Hogaanka Caafimaadka Booliska Dr.Maxamed Cali Oday.

 WAJAALENEWS Laga bilaabo dhacdadii foosha xumey ee lagula kacey Muj. Maxamed Kaahin ee 9-nov-2013,

Inta aynan qoraalkeenan u gudo galin waxa aynu isku dayeynaa inaanu ka jawaabno dhowr su?aalod oo aan gundhig uga dhigo doono, xambaarsana nuxur faro badan waana sidan.

Laga bilaabo dhacdadii foosha xumey ee lagula kacey Muj. Maxamed Kaahin ee 9-nov-2013, waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska ku fashilmey inuu dhacdadaa sidey aheyd u baadho sharcigana u hor keeno cidkasta oo lug ku laheyd dhacdadaa. Balse Taliyuhu wuxuu masuuliyadaa ku badaley qabqabsi aananu gareyneyn ujeedada ka danbeysa balse qofkasta oo caqli u saaxiiba uu cabiri karo.

Inta aynan qoraalkeenan u gudo galin waxa aynu isku

dayeynaa inaanu ka jawaabno dhowr su?aalod oo aan gundhig uga dhigo doono, xambaarsana nuxur faro badan waana sidan.

1. Ma xeer baa oo sharci ahaan ayuu ku xidhanyahey?

2. xadhiga Hogaanka caafimaadku ma xal lagu xalinayo dacdadii gafkii laga galey Muj. Maxamed kaahinbaa oo la leeyahey Hogaanku waa mid ka soo jeeda beesha falka geysatey?

3. Ma xil dhowrasho Taliyaa oo uu tusayo xukuumada iyo xisbiga kulmiyaba in dadbadan o xidhxidhanyihiin?

4. Ma xujo iyo xin siyaasi baa oo waxa lagu qiranayaa Siyaasiyiin badan oo si cad ugu lug leh dhacdadaa?

Waxa ilaa hada aan cadeyn xaaladaha ku xeeran xidhiga Hogaanka Caafimaadka, aynu isku deyno su?aasha kowaad ee ma xeerbaa. waxa Dastuurkeena Qaranka Somaliland oo ah sharciga dalka ugu sareeya (Supreme law of the nation) qodobkiisa 27(2) dhigayaa in qofka loo xidho fal-danbiyeed lagu eedeeyey awgeed la horgeeyo maxkamad 48 saacadood gudoohood lana ogeysiiyo sababtana xadhigiisana maxkamadna laga soo xaleeleeyo xadhigiisa inta ay dacwadu furmeyso. Hadaba ilaa mudada 10-nov ilaa manta (bil) hogaanka caafimaadka cidna mey horgeyn Maxkamad noocnaba loomana sheegin ujeedada xidhigiisa ee uu ku eedaysanyahey!!! Hadaba xidhiga uu xidhanyahey Hogaanku waa xaaraaan sida ku cad qodobka 25(1) ee Dastuurka oo leh qofna si aan wafaqsaneyn sharciga xoriyada loogama qaadi karo.

marka aynu eegno su?aasha labaad ma xal reereed baa, waxa aan qabaa iney maya tahey oo aynu dhaafney waqtigii jaahiliyada aheyd ee la odhan jirey danbiilaha la odhanjirey odayaasha reerkiisa ha loo qabto, oo qodobka 26 (2) ayaa dhigaya in aan qofna la saari karin masuuliyad danbi qof kale leeyahey?balse hadii wali sii jirto casru-jaahiligii xataa Hogaanku maaha odey beeleedyada xalka noqon lahaa!!!

Hadabda hadii ay eer iyo xal aheyn ma xujo iyo xin siyaasi baa oo ah su?aasheena saddexaad!!! dhacdadan waxa xidhiidh la leh sida ay ku timid iyo sida ay ku dhacdeyba Siyaasiyiin ka tirsan isla xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo ah kuwa warka u kala qaadey sheekada xumaanta dhalisay. Hadaba xadhiga Hogaanka ma xujo siyaasiyiintaasi ka danbeeyaanbaa oo ay dhamacsanyihiin in indhuhu qabtaan korneyl xidhan iyugana hadal heyntii la hadal heyn lahaa ay halkaasi ku hadhaa. Jawaabta akhristahaa leh su?aashaa.

Su?aasheena u danbeysa ma xadhiga hogaanku ma xil dhowre Taliyaha Ciidankaa. oo xidhiga Hogaanku waxa ay asturnan u noqoneysaa Taliyaha ku guul dareystay inuu soo qabto dhamaan ka qeyb galayaashii dhacadada. Oo waxa uu Taliyuhu ku gabanayaa xadhigaa Hogaanka una arkayaa iney ka caawineyso inuu xilka sii hayo!!! Su?aasha cajiibkeedana dadkaan u daayey.

Gabagabedii midey taheyba waxa run ahaantii wax laga murugoodu ah, muwaadin, dhakhtar, gaashanle sare oo xadhigiisu cadaalad darayo yahey?. Taasi waxa ay muujineysaa cadaalad Xumo waayo waa kii carabku yidhi ?lowkaana nuurakum hadaa fakeyfa kaana dulaamakum?? oo ah hadii madaxdii walibana dowlada ka tirsaneyd cadaalad daradaa lagula dhaqmayo iyo xidhig xaaraan ah bil, tallow maxey ku suganyihiin dadka masaakiinta ah ee kale.

Illaahey baa caadil ah
Qore:- Mulaxo Mohamed Ali Odey


Exit mobile version