WAJAALE NEWS

“Waraysigii Anwar Qarqaash : Inaga Iyo Somalia Waxba Inagama Wada Farxiyaan”.Yuusu Cabdi Gabobe

“Waraysigii Anwar Qarqaash : Inaga Iyo Somalia Waxba Inagama Wada Farxiyaan”.Yuusu Cabdi Gabobe

Waraysigii BBC-da Carabigu la yeelatay Wasiiruldawlaha Khaarajiga ee Imaaraatka waxa lagu weydiiyey asbaabaha keenay inuu xumaado xidhiidhkii Imaaraatka iyo Somalia.

Qarqaash waxa uu sheegay in xukuumadda Somalia ay dambi uga dhigtay mashruucii dekedda Berbera kuna eedaysay inay ku xadgudbeen midnimadii Somalia.

Qarqaash wuxu ku qarnaqsaday dhawr qodob oo kala ah (1) In Imaaraatku aanu aqoonsan Somaliland oo safaaradda daayoo aanay xataa qunsiliyad ku laheyn.

Dabcan waa arin jirta oo wasiirka waa runtii .

(2) Inuu jiray is-fahan( tafaahom ) ah in Somaliland loo fidin karo wixii mucaawimo iyo horumarin ah oo ay dekadda Berbera ka midtahay.

Dabcan taasina waa arin jirtay oo is-fahamkaasi waxa lagu gaadhay shirarkii Dubay,London,Istanbuul iyo Brussels.

(3)In mashruuca dekadda Berbera aan ka baxsaneyn oo hoos yimaada tafaahumkaasi horee jiray oo aan lagu tilmaami karin gaf ay Imaaraaku kula kaceen midnimada Somalia

(4)In ixtiraamka midnimada Somalia macaheedu marnaba aheyn in aanaan Somaliland wax loo qaban karin ama naga horjoogsan karta inaanu gacan siino.

Wadahadal dhexmara Imaaraatka iyo Somalia waxa uu Qarqaash ka yidhi in Imaaraatku marnaba aqbali doonin wada hadal qol mad lagu qabto.Wuxu sheegay in aanay halkanba soo dhigan in dalkii ay 27 sanaood caawinayeen uu sidaa xun

ula dhaqmo oo waliba uu weeraro diyaaradii u siday tababarayaashii iyo mushaharkii ciidankooda.

Turjumaadda khaldan ee ay BBC Somali ka bixisay nuxurkii waraysiga Qarqaash waxa ku farxay reer Somalia iyo qaar reer Somaliland ah.

Hadaba Somalia iyada waabaynu is-haynaaye,waxan garan waayey kuwan reer Somaliland waxa iyaga iyo qadaadweynta ka wada farxiyey!!!.

Exit mobile version