WAJAALE NEWS

Weerarro Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Gudaha Dalka Nigeria Iyo Dhimashada Oo Kor U Dhaaftay 40-Qof

Borno(Wajaalenews)-Weerarro kala dambeeyey ayaa saaka lagu qaaday Goobo kamid ah Waqooyiga Dalka Nigeria, waxana ka dhashay Dhimaso dad shacab ah oo Tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 45-Qof.

Dabley hubeysan ayaa weeraray tuulooyin ku yaalla gobolka Borno, waxayna laayeen cid walba ay arkaan, iyagoo Dumar iyo carruur Badan qudha ka jaray sida ay wararku sheegayaa.

 

Kooxdan weerarka fulisay ayaa watay gawaadhi, waxayna kadib ka baxsadeen goobta iyadoo lala xidhiidhinaayo in ay ka tirsan kooxda Boko Haraam.

Tan iyo bilowgii sanadkan, kooxda Boko Haram ayaa la aaminsan yahay in ay dalkaas ku dileen in ka badan 2,000-qof.

Kooxdan Boko ayaa dagaal ugu jirta Sidii ay dalkaas uga dhigi lahaayeen mid lagu xukumo Shareecada Islaamka, waxana ay Haatan gacanta wadaan Olole dadka loogu diidan yahay waxbarashada Reer Galbeedka, iyagoo beegsada Goobaha ay dhallinyaradu wax ku barato ee Iskuullada ah.

 

Exit mobile version