WAJAALE NEWS

WARAAQO SIR Ah Oo La Helay Sucuudiga Oo La Jabsaday Sirtiisii Xukuumadda Siilaanyo oo Somalia Iyo Puntland la Saxeexday Dhismaha Dawlad Midaysan,

Xukuumadda Siilaanyo oo Somalia iyo Puntland la saxeexday dhismaha dawlad midaysan 18/2/2012.

” Haddaba dokumentiyada liigay waxa ka mid ah dokumenti asal ah oo ka soo baxay mukhaabaraadka Sucuudiga, kaasoo caddaynaya, in xukuumadda Somaliland la saxeexday 18/02/2012 dawladda federalka ah ee Somalia, Puntland iyo maleeshiyooyin kale dhismaha dawlad, baarlaman iyo distuur federal ah.”

Shebekadda caanka ah ee Wikileaks ayaa baahisay qaybtii kowaad ee dokumentiyada xasaasiga ah ee qarsoodiga ah “Saudi Cables” 19kii juun 2015. Saddex cisho gudahood ilaa 22kii juun waxay dokumentiyada liigay ee shebekadaasi baahisay gaadheen 61,214 dokumenti, kuwaasoo dhammaantood hadda laga akhrisan karo intarnetka (online).

 

Dokumentiyadaas oo wada asal ah ayaa la rumaysan yahay, inay shebekadda wasaaradda arrimaha debedda ee Sucuudiga ay ka jabsadeen bishii  may 2015 koox isku magacawday ‘Yemen Cyber army’. Khubarada falanqaysay dokumentiyadani waxay isku raaceen, in kooxdani aanay ahayn Yeminiyiin, laakiin ay khalkhal gelinayaan xukuumadda Riyaad.

Dunida carabta ayaa aad looga xiiseeyay dokumentiyadan ka fakaday xukuumadda sucuudiga. Jariidadda Al-akhbar ee ka soo baxda dalka Lubnaan ayaa bogageeda hore joogto ugu baahisay mawduucyo badan oo la xidhiidha dokumentiyada ka liigay wasaaradda arrimaha debedda Sucuudiga.

Haddaba dokumentiyada liigay waxa ka mid ah dokumenti asal ah oo ka soo baxay mukhaabaraadka Sucuudiga, kaasoo caddaynaya, in xukuumadda Somaliland la saxeexday 18/02/2012 dawladda federalka Somalia, Puntland iyo maleeshiyooyin kale dhismaha dawlad midaysan, baarlaman iyo distuur federal ah.

Warkan oo ku soo baxay warbaahinta Somaliland, warbaahinta caalamiga ah iyo shebekado badan oo intarnetka ah ayaanay ilaa hadda ka falcelin xukuumadda Somaliland.

 

http://slycivilian.tumblr.com/post/122257331269/the-saudi-cables-somalia-somaliland-and

Exit mobile version