HARGEISA(Wajaalenews) Digrayto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada ayaa maanta oo taarikhdu tahay 03/01/2016 madaxweyne siilaanyo u magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ugu MAGACAABAY Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) oo hore usoo qabatay xilka maayarka magaalada gabilay oo ay in mudo ah haysay xilkaas iyada
Marwo Khadra Xaaji ay kamid ahayd xildhibaanadii ugu firfircoonaa ee golaha deegaanka Gabiley ugu jiray xisbiga Kulmiye ee xiligaas.
Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo kamid ah haweenka ugu firfircoon uguna kartida badan haween waynaha Somaliland ayaa ah gabadhii ugu horaysay ee maayar ka noqota mid kamid ah degmooyinka waawayn ee Soomaliland.
Sidoo kale Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa Noqonaysa Haweenaydii ugu horeysay somaliland ee loo magacaabo xilka Agaasime Guud, waxaana lagu xasuustaa khadra in ay waxqabad iyo mashaariico horumarineed oo ay ka fulisay degmada Gabilay mudadii ay xilka maayornimo haysay.
sidoo kale waxay saamayn wayn ku leedahay guud ahaan somaliland gaar ahaan gobolka gabiley.
si kastaba ha ahaatee xilkan loo dhiibay marwo Khadra X. gaydh oo ah xil culus ayaa la filayaa in ay guul ka gaadho maadama ay tahay shaqsi caan ku ah habmaamulka iyo horumarinta bulshada iyada oo inta badan lasoo shaqaysay maamuladii kala duwanaa ee soo maray Jamhuuriyada Somaliland.
Hargeisa somaliland
Email; wajalenews@gmail.com