WAJAALE NEWS

Wakiilka QM Ee Somalia Oo Iska Diiday Inuu Raalligelin Ka Bixiyo Tuuganimo Uu Hore Ugu Sheegay Mudanayaasha Baarlamaanka,

Nairobi:(Wajaalenews)-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa iska diiday inuu raaligelin ka Bixiyo Hadallo hore u kiciyey shucuurta Xubnaha Baarlamaanka oo sheegayey inay Mudanayaashu tartan ugu jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen laaluush meesha lagaga saarayo Ra’isal wasaaraha.

Nickolas Kay oo ka qaybalay shirkii Somalia loogu soo gebogebeeyey Denmark, ayaa tilmaamay in somalida looga fadhiyo sidii ay meesha uga saari lahaayeen khilaafka ragaadiyey madaxdooda oo maalmahan dambe dunidu hadal hayso.

Arrintan ayaa waxa loo arkaa inuu Ergaygu wali kusii adkaysanayo eedihiisii hore ee uu Baarlamaanka ugu jeediyey, waxana arrintaas si xoog ah uga damqaday Madaxweynaha Somalia iyo Xubnaha Baarlamaanka ah ee ay isku aragtida ka Yihiin Ra’isal wasaaraha.

Nicholas Kay ayaa si weyn uga soo horjeeda in meesha laga saaro Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli sheikh, waxana uu si cad u sheegay inuu rabitaan u hayo inay xukuumaddani ahaato middii dalka gaadhsiin lahayd Sanadda 2016-ka oo doorashooyin lagu talogalsan yayay.

 

 

Exit mobile version