WAJAALE NEWS

DAAWO;Wasiirkii Hore Ganacsiga Iyo Wasiir kuxigeenkii Oo Si Rasmiya Xilalkii Ugu Wareejiyay Masuuliyiinta Cusub + Sawiro+Video

Hargeysa(wajaalenews):-Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga somailand Dr Muuse Qasim oo maanta xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee losoo magacabay wasaarada Xuseen Dayr ayaa waxa uu munaasibadii ay xilalka kula kala wareegayeen isaga iyo wasiirka cusub waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.


wasiirku waxa uu sharaxaad ka bixiyay mudadii uu joogay wasarada warshadaha iyo maalgashiga caalamiga ah.
geesta kalena waxa dhankiisa hadalo ka jeediyay wasiirka cusub ee wasarada ganacsiga mudan xuseen dayr oo aadna ugu hambalyeeyay dr muuse qaasim cumar oo uu xilka kala wareegay

waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinka socoda wasarada ganacsiga iyo xubno kale oo ka socda laamahad kala duwan ee dawlada ku wasi oo soo dhaweeyay munasibadan xil wareejinta labda wasiir iyo sidoo kale labada wasiir ku xigeen oo iyaguna goobtaasi xilka kula kala wareegay.


munaasibadasi ayaa ahayd mid jawi aad u wanaagsan ku dhaamatay.

https://youtu.be/yTHRxmXT1TU


Halkan hoose ka daawo khudbadii Dr Muuse Qaasim Cumar

 

 

Hargeisa Offce
Wajaalenews.nwr
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version