Jen. Gaafow waxa uu sheegay in tirada Baasaboorradu ahayd 50, kuwaasoo isugu jiray baasaboorkii cagaarnaa iyo midka hadda la isticmaalo ee E-Passport-ka ah. Waxa uu sheegay in Baasaboorradan la doonayay in Arday waxbaranaysa lagaga soo kaxeeyo Somaliland.
“Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo, tiradooduna waxay ahayd 42 baasaboor oo kuwa cagaaran ah iyo siddeed E-Passort ah, raggii watayna gacanta ayaan ku haynaa baaritaanno ayaana ku socda,” ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow
Dhinaca kale, raggii lagu qabtay baasaboorradan ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay baasaboorradan yihiin kuwo ay leeyihiin arday ku nool Somaliland, isla markaana ay fiiso uga soo qaadeen safaaradda Suudaan ee Soomaaliya.
Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u joojisay isicmaalka baasaboorkii hore ee cagaarnaa, waxaana qofkii lagu qabto ay ku sheegeen in uu ciqaab adag uu muteysan doono ama loo aqoonsan doono inuu Al-shabaab ka tirsan yahay.
Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane