Waxa aan halkan kaga jawaabayaa,maqaal xagxagsho ah oo Mid kamid ah
dadka fikirka gaaban wataa uu ku maagay Wasiirka Wasaarada Maaliyada
Cabdicasiis Maxamed Samaale horena, usoo ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii
koowaad ee Golaha Wakiilada islamarkaana, kaalin laxaad leh kasoo
qaatey aasaaskii Xisbiga Kulmiye waagii seeska loo dhigay,isagoo
kaambeynadii adkaa iyo ololihii Siyaasada Xisbiga ee sanadkii 2002dii
soo bilaabmay laga soo bilaabo doorashadii Golayaasha deegaanka ee
diimasambar 15keedii qabsoontey sanadkaasi,isagoo soo qabtey Hormuudka
kaambeynadii Kulmiye(Campain-manager),iyadoo xiliyadaa dad badani ku
miraaqoon jireen kuna majeerteen inay xubno ka noqdaan Xisbiga Kulmiye
khudbadihii wanaagsanaa,ee Samaale sida kalsoonida leh ugu jeedin
jirey taageerayaashii koobnaa ee Kulmiye taas oo Xisbiga Kulmiye usoo
hoysay guulo la taaban karo maadaama Kulmiye noqdey Xisbiga kaalinta
labaad ku guuleystey dalka oo dhan ururadii bilowga siyaasada
Somaliland ee usoo baxay Xisbinimada waxa kale oo xusuus mudan doorkii
weynaa ee Samaale kulahaa tartankii doorashadii Madaxtooyada ee
sanadkii 2003dii bishii abril ka qabsoontey Somaliland taas, oo ay
kuwada tartameen Madaxweyne Siilaanyo iyo Daahir Rayaale Kaahin
Xisbiga Kulmiyena guusha lagaga qaatey 80 cod oo kaliya,iyadoo aan la
halmaami karin doorkii kale ee uu kulahaa tartankii Doorashada ee
Golaha Wakiilada sanadkii 2005tii,markaas oo uu doorashadaas ka keenay
guul balaadhan oo shacbiga reer Somaliland wada xasuusan yihiin inta
maskaxda fayoobi marka dib loo milicsado khudabdihiisii qiimaha lahaa
ee uu ka jeedin jirey fagaare kasta iyo goob kasta oo Xisbigu ka hadlo
isagoo kaga duwanaa wakhtigaas,guud ahaanbii murashaxiintii ku
tartamayay doorashada Golaha Wakiilada ee reerkooda oo kaliya codadka
ka doonayay waxa uu isagu cod ka helay shacbiga ku nool Gobolka
Maroodi/jeex oo cidkastaba lahaa waxaanay taasi u gashey Taariikhda
wanaagsan ee uu Xisbigiisa ugu kasbay khudabadaha iyo lahadlka
dadweynaha oo qeyb weyn ka ah kaalinta ololaha Siyaasada, sikasta oo
ay arimahaa aan soo sheegnay yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale,waxa
uu kamid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee ay Xukuumadii Rayaale ee Udub
la gashey dagaalka goonida ku ah oo xataa qoyskiisa saamaysay hadana
mar kaliya lagama dareemin in uu dabciyo mowqifkiisa iyo mabdi,iisa
siyaasiga ah marnaba lagama dareemin aarsi iyo cuqdad uu ka kasbadey
dagaalkaa culus ee lala soo galay, laakiin waxa mar kasta ka muuqata
dhinac kasta oo siyaasadiisa laga jaleeco kalsooni badan oo shakhsi ah
iyo hankiisa siyaasadeed oo u qalma in uu ku kasban karo heer
Madaxweyne maadaama aanu yareysan qof kasta oo han u haya arimaha
Siyaasada, lagana maqal hadalo deelqaaf ku ah shakhsi abaar toos,ah
isagoo rag badan dheer aqoonta fiican ee uu leeyahay,diinteena suuban
ee islaamka iyo axaadiista quraanka kariimka ah.
Samaale oo caan ku ah in aanu cidna udaba fadhiisan,badheedhihiisa
siyaasadeed, islamarkaana ixtiraam u muujiyay Madaxweyne Siilaanyo
kadib markii ay soo wada galeen dagaal adag oo siyaasi ah,hadana
majirto inuu doc kale dabada galiyo hadaladiisana waxa uu u muujiyaa
si aan qarsoonayn oo cadaan ah waxana dadka yaqaanaa ku sifeeyeen in
uu kalsooni badan ku qabo naftiisa iyo doorkiisa siyaasadeed intaba
hadii tolkii laga hadlona, majiro cid uu cuqdad gaar ah u haya oo
tolkii ah cid uu soo dhaweeyo iyo wax uu taro mooyaane, laguma sifeyn
karo shakhsi wado qaloocan wax ku doonaya, oo casru jaahiligii oo
kale,wax ku doonaya, isagoo si siyaasad ah iyo kartidiisa iskaga
celiya had iyo jeer Tusaale ahaan Muuse Biixi oo ku yareystey
damaciisa siyaasadeed ee cadceeda ka cad,wajigiisa ayay ku qoran tahey
in uu ka guuleysan doono rag badan waana xubin firfircoon oo
calankiisa siyaasadu taagan yahay,waxaan ugu soo gunaanadayaa
saaxiibkeyga Cabdicasiis Samaale ku sheegaya nin tolkii u muruq weyn
oo libaax u ah ma aha isagu kaad sheegayso nin walba wuu qadariyaa
haduu yaryahay iyo haduu weyn yaheyba,ixtiraam badanbaa loo hayaa oo
wanaag badan baa loo hayaa oo waxtar badanbaa loo hayaa oo majirto in
cid tolkiis ah oo xyumaan u quudheysa,mana noqon waligii ninkii
layidhi Magacaagu yuu noqon mid xyumaan kamara kaca murjinkaagu yuu
noqon magli dila walaalkii midigtaadu yay noqon mid tolkeed u
muruqweyn waligiina noqon maayo,e ee saaxiib sheeg cida intaasba hore
ugu sifowdey waligeedna ahaan doonta,waxey aniga ila tahey in Muuse uu
qabey bisad balse uu libaax ku noqdey Cabdicasiisna waa nin kalsooni
ka haysta tolkii iyo bulshada Somaliland naftiisana kalsooni ku qaba
oo aan boog iyo nabar midna Lahayn .
Axmed Suufi Jaamac(daacad)
Hargeysa Somaliland