Haseyeshee marka aynu u nimaadno dhulka somaliladu degto kama jirto wax cadaalad la yidhaahdo waxxan in badan lagu wada degan yahay reenimo iyo dad jeclaysi taasina waa ta keenta in dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxay ay dalkoodii ka tahriibaan isla markaan ay u hayaamaan wadad reer galbeed ka oo aad u tixgaliya wada noolanshaha qoomiyadaha kala duwan ee ku nool dunida daafaheeda.
Sidoo kalena waxa ay had iyo jeer sameeyaan inay ay si dagan oo bani adanimo ah u wada nolaadan oo ay noqdaan dad isku dan ah kuwaasi oo had iyo jeer lagu dhiiri galiyo sidii ay cadaalada iyo bani adanimo ugu wada noolan lahayeen isla markaan ay wax u wada qabsan lahayee melena ka soo wada jeedsan lahayeen.
Hadii aynu u nimaado dalka jamhuuriyada Somaliland waxaad modaa in nimaamka cadaaladu ay ugu dambay bilowgii dawlada daagta daran ee Somalia la odhan jiray markii ay midoobeen isla markaana ay isku biireen wixii intaa ka dambeeyay inay ilownay hanaanaka cadaalada iyo sinaanshaha dadka ku nool gudhaha Somaliland.
Sidoo kalena waxa mudooyinkii ugu damabeeyay kor u kacay waxa loogu yeedho qabyaalada oo meeshii ugu xumaday gaadhay isla markaan keentayba in dadka qaarkood ku kala fogaadan qaybyaalad awgeed.
Arintaasina waxay inagu keentay in ay yaraato kalsoonidii bulshadu iyo wada shaqayntii ka dhaxaysy oo maalinba maalinta ka dambaysa la sii kala fogaanayo .
Intaasina waa waaqaca dhabta ah ee ka jira somaliland laakin waxaaba ka sii daran marka loo yimaado laamaha dawlada ee ay maamulaan masuuliyiinta kala duwan ee u xilsaaran hawlaha qaranka iyo hogaaminta nidaamka dawladnimo ee wadan walba leeyahay .
“Sida allah qur’aanka ku sheegay qofkasata oo xil loo dhiibo waa masuul waxa uun ka yahay waxa loo igmaday waan lagala xisaabtami donaa maalinta qiyaame “
Maadama oo aynu nahay dad islaama isla markaan allah iyo diinta uu inoo soo dajiyay rumaysan waa sidee waxa aynu ku dhaqmayno ee aynu kuwada noolnahay?
Mise muslinimada Ayaan dhab inaga ahayn?
Laakin hadaa ma aqoonta diinta ayaa inagu yar ?
Hadii aan su,aalahaas oo dhan ka jawaabo waxan ku soo koobi lahaa in waxaas oo dhan aynu fahan sanahay laakin waxa jira iimaanka oo daciif inagu ah isla markaan aan xaqa iyo xaqdarada inoo ka saarayn .
Hadaba gudoomiyaha haayada shaqaalaha sharmaake geele oo u xilsaaran haayada ugu muhiimsan laamaha qaranka isla markaan ah meesha ay cadaaladau ka bilaabmayso si dhalinyaradu ay shaqooyin u helaan Ayaaba cadaystay in uu si toos ah wax u musuqmaasuqo isaga oo si badheed ah ugu dhiirado sidoo kalena tusaale u noqonaya haayadaha kala duwan ee qaranka si ay iyaguna ugu dhiradaan talabadan oo kale isla markaan sida ay naftoodu jeceshay ay u maamulaan .
Balka waran hadii dadkii aqaanyahanada ahaa ee wadanka u soo kacayay aad shaqadoodii ka musuqmaasuqdo oo aad si badheed ah ama xoog lagu tilaami karo aad kaga qaado ?
Arintaasina ma aha wax illaahay la wayn imika ayuu ciqaabi karaa ama mid ka mid ah naarihiisa xanuunka badan ayuu ku ciqaabi donaan
“qof kasata oo wada wanaagsan sameeya cida raacda ajar ayaa looga qoraa cid kasata oo wado ama dariiq xun bilowdana cid kasata oo raacda dariiqaas danbigooda badh buu ku leeyahay”
Sharmaake geele waa ninkii ugu horeeyay ee bilaaba xaqa umada oo xoog lagu qaato ama lagu xalaashado .
Waliba waxa uu isagu dheer yahay in uu bulshada iskaga dhigo nin muunin ah oo cadaalad ku maamulaya hawsha loo igmaday marka uu ka hadalayo media aha waxad modaa qawlka uu ku hadlayo in uu yahay mid cadaalada laakin waaba ka ugu liita masuuliyiinta ka hawlgalaha laamaha dawlada ee jamhuuriyada Somaliland.
Hadii aan tusaale ku soo qaato wadanka la yidhaahdo kooriyada waqooyin waxaynu wada ognahay dadka ku nool iyo diinta ay haystaan hadana waxa uu madaxwanahoodu sameeyaa in ninka wax musuqmasuqa uu ku toogto hubka noociisa ugu qaalisan si ay ugu taamila qataan xubnaha kale ee dawladiisa ka hawlgala .
Ugu damabayntii xukuumada Somaliland waxa ku waajib ah in umada lagu maamulo sinaan cadaalad si bulshaduna iskugu soo dhaato isla markaan ay noqdaan wada meel ka soo wada jeeda dalkooda iyo diintoodana ilaashanaya isla markaan isku duuban
Xukuumaduna waa inay sida ugu dhaqsaha badan arintaasi waxa uga qabataa hadii kale waxa sii lumaya hanaan ka dawladnimo iyo shacabka oo sii kala fogaada
Hargeisa Office
Qalinkii hasan ali
Shabakada wararka ee wajaalenews.net